Mas’uuliyiin ka tirsan DF oo la shaaciyey inay guryahooda ku hayaan xubno Shabaab ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ka hadashay xubnaha ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab iska soo dhiiba isla markaasina aan marin sharciga saxda ah ee ay ugu talo-gashay maxkamadda.

Guddomiyaha Maxamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay jiraan dad ka qayb qaata qarinta xubnahaasi oo is kugu jira shaqsiyaad ka tirsan masuuliyiinta Dawladda iyo qaar kale oo ehelladooda ah.

Guddoomiyuha ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in ay guryaha ku haystaan dad aan diiwan gashanayn, islamarkaasina aan marin sharcigii loogu talo galay inay maraan

Guddoomiyaha ayaa intaasi u daray in dadkaasi oo qaab qabaa’il guryahay ugu haysta oo saraakiil iyo xildhibaanno is kugu jira ay la mid yihiin Shabaabka

Hadalkan Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa kusoo beegmaya xili Shabaabkii ugu badnaa ay muddooyinkii dambe isku soo dhiibayeen dawladda Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso Liibaan Cali Yarow

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com