Masuuliyiin ka tirsan DF oo qarax ku dilay mas’uul kale oo maxkamad loo soo taagay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta waxaa ka soo hor muuqday masuuliyiintii hore ee Maamulka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale) iyo Shaqsiga kale oo lagu Magacaabo Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa loo heystaa qarax lagu diley Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasada degmada Maxaas Cabdirashiid Cusmaan Carab,qaraxaas oo dhacay 19-kii Bishii april ee Sanadkaan 2019.

Qaraxii lagu dilay kuxigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasada degmada Maxaas Cabdirashiid Cusmaan Carab ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay xilligaas Ururka Al-Shabaab,hayeeshee Mas’uuliyiintaan loo xiray arrimo la xiriira tuhun.

Qaraxa lagu dilay Guddoomiye ku xigeenka ayaa ka dhacay gudaha Degmada Maxaas,waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo ka mid ahaa ilaaladiisa.

Raggaan oo maalmahan ku xirnaa Magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Khamiis ah kiiskooda la guda galay, inkastoo ay jiri doonaan dhageysiga fadhiyo kale oo maxkamadda ku aadan.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa waayahan dambe kordhisay shaqooyinka ay qabatay, waxaana maxkamadda la soo taagaa masuuliyiin kala duwan oo tuhunkooda yahay inay gacan saar la leeyihiin Shabaab ama ay ay ka qayb qaateen fal dambiyeedyo dhacay.