Mas’uuliyiin xilal ka haya DF oo caqabad ku noqday amniga garoonka Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) –Maamulka Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa dhawaan ciidamada la socda madaxda ka kala tirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka ka mamnuucday inay Hubka la galaan gudaha Garoonka.

Amarkaasi oo ahaa mid si wada jira ay usoo saaren maamulka Garoonka iyo Hay’adaha amaanka ayaa waxaa ugu horeeyay oo jabiyay mas’uuliyiin ka tirsan isla dowlada.

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee dowlada Somalia, ayaa la sheegay in hubkooda ay awood kula galaan gudaha Garoonka, halka qaarna ay yihiin kuwo daacad u ah amarka kana taga istaafkooda.

Mas’uuliyiinta ugu badan ee sida awooda leh hubka ula galo garoonka Aadan Cadde ayaa la tilmaamay inay yihiin Wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia, kuwaa oo qalqal amni ku haya howlaha Garoonka.

Mid kamid ah ciidamada amaanka Garoonka ayaa inoo sheegay in Wasiirada badi ay yihiin kuwo isku daya in Garoonka ay ku galaan awood iyaga iyo Hubkooda, waxa uuna arrinka noocaasi ah ku sheegay mid sumcad darro usoo jiideysa dowlada.

Waxa uu sheegay in amniga mas’uuliyiinta la damaanad qaaday inta ay ku jiraan Garoonka, hase yeeshee aysan garan karin sababta ku khasbeysa amar diidada.

Sidoo kale, waxa uu cadeeyay in hagaaga dalka uu yahay mid ku xiran amar u hogaansamida Madaxda dowlada gaar ahaan Wasiirada, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta hubeysan.

Arrintan ayaa muujineysa in mas’uuliyiinta ugu badan ee dowlada ay yihiin kuwo aan u hogaansaneyn amarada dowlada, waxa ayna taasi muujineysa inaanu wali jirin kala danbeyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com