Mas’uuliyiinta DF oo lagu amray inay baneeyaan xilka wasiirnimo ama xildhibaan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa 14 sano kadib u gudbaysa nidaam cusub oo mamnuucaya in hal mas’uul uu isku mar wada hayo xilalka wasiirka iyo xildhibaanka, kadib markii wax laga beddelay qodobkii Dastuurka ee arrintaas oggolaanayay.

Qodobka 97-aad ee dastuurkii KMG ahaa ee 2012 ayaa oggolaanayay in xildhibaan uu kamid noqdo Golaha Wasiirrada, balse qodobkaasi hadda meesha ayaa laga saaray, iyadoo la dhaqan-gelinayo nidaam kala saaraya labada xil.

Xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Avv. Burhaan Aadan Cumar ayaa Golaha Wasiirrada u diray ogeysiis ku saabsan waajibaadka ka dhalanaya isbeddelkan dastuuriga ah.

Sida lagu sheegay bayaanka, xubnaha Golaha Wasiirrada ee sidoo kale ah xildhibaanno ayaa loo sheegay inay kala doortaan labada xil, iyadoo muddada lixda bilood ah ee loo qabtay in qodobka cusub uu dhaqan-galo ay bilaabatay 14-kii April 2026, kuna eg tahay 14-ka October 2026.

“Wasiirka xildhibaan ah wuxuu luminayaa xubinnimada Golaha Wasiirrada. Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu luminayaa xildhibaannimada haddii uu aqbalo xil kale oo dawli ah,” ayaa lagu yiri bayaanka Guddoomiyaha Guddiga.

Arrintan ayaa ka dhigan in mas’uulka haya xil wasiirnimo uusan sii wadan karin xubinnimada Golaha Shacabka haddii uu doonayo inuu sii hayo xilka dowladda, halka xildhibaanka aqbala xil kale oo dowladeed uu luminayo xubinnimadiisa baarlamaanka.

Isbeddelkan ayaa sidoo kale lagu micneeyay tallaabo lagu kala saarayo awoodaha hay’adaha sharci-dejinta iyo fulinta, si labada dhinac ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, oo ay ku jirto isla-xisaabtanka.

Marka ay dhammaato muddada kala-guurka ah ee ku eg 14-ka October 2026, mas’uuliyiinta ay khusayso ayaa laga doonayaa inay doortaan mid kamid ah labada xil, taas oo soo afjareysa dhaqankii ahaa in hal qof uu isku mar ka tirsanaado Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka.

- Advertisement -

Read more

Local News