Qarax weyn iyo dagaallo KISMAAYO ka dhacay iyo xaaladda oo kacsan

Muqdisho (Caasimada online) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbaada Hoose  waxaa xalay ka dhacay daagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamaada Raaskambooni oo ay kaaabayaaan kuwa AMISOM iyo waliba ururka alshabab .

Dagalkaa ayaaa yimid kaadib markii ciidamo katiran kuwa Ururka al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen Magaaalada , taasina ay keentay in dagaal qaraar oo ulabaa dhinac dhex maro kaas oo qasaarahaa ka dhashay ay warara kala duwan kasoo baxayaan .

Dadka deegaanka ayaa Shabaakadda Caasimada online u xaqiijiyay Geerida hal qof oo ka mid ah Shabaabkii Soo duulaan tagay , iyagoona sheegay inay inay dhaawacyo jiraan inkastoo aaney inoo xaqiijin inta aay la egyihiin.

Warar ayaa sheegaya in dagaalkaas aay bar bar socdeen Madaafiic xoogan oo ay dagaaalkaas ay kaga qeyb qaadanayeen ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo taasi oo warar ay sheegayaan inay qasaaro badan sababtay balse aan la shacin inta ay la egtahay .

Labada dhinac ee xalay ku dagaalamay Magaaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Bari ayaanan wali ka hadlin dagaalkaasi .

Dhanka kale war hadda soo dhacay ayaa sheegaya in saakey qarax xooggan uu ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubadda Hoose.

Sida ay yihiin dadka magaalada qaraxa oo aad looga maqlay dhawaqiisa magaalada oo dhan, waxaa lala eegtay baabuur ay la socdeen saraakiil ka tirsan garabka Axmed Madoobe, kaasoo marayay inta u dhexeesa Isbitaalka guud ee iyo Saldhigga Booliska ee Kismaayo.

Inta la ogyahay labo qof ayaa ku dhintay  tira intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha ah.

Qaraxa markii uu dhacay waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Axmed Madoobe, kuwaaso baaritaan ka sameeyay goobta.

Ma cadda in dad lagu soo qabtay howlgalka ciidamada, xaaladda magaalada ayaa caadi ku soo noqotay qaraxa kaddib.

Ma ahan qarixii ugu horeeyay oo ka dhaca magaalada dhowr jeer ayaa qarax noocan oo kale uu ka dhacay.

Caasimada Online

Xafiika Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com