Maxaa ka dhexeeya tallaabada ATMIS iyo eryidda Madeira?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Jubaland Aadam Ibraahim Aw-Xirsi oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafaadka cusub ee u dhexeeya hoggaanka Villa Soomaaliya ee ka dhashay ceyrintii Danjire Francisco Madeira.

Aw-Xirsi oo horey u soo noqday wasiirkii hore ee qorsheynta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in aysan wax xiriir ah ka dhexeyn tallaabada ay ku dhowaaqeen ciidamada ATMIS o maalmaha soo socda howlgallo ka bilaabaya Xalane iyo eryida Madeira.

Wasiir hore Aadan Ibraahim Aw-Xirsi ayaa dhaq-dhaqaaqyada cusub ee howlgalka ATMIS la xiriiriyey kuwo lagu xaqiijnayo amniga, kadib weerarkii Shabaab ee garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in suuragal ay noqon karto waraaqda kasoo baxday ATMIS inay xiriir la leedahay munaasabadda dhaarinta ee xildhibaanada cusub.

“Uma eeka waraaq xiriir la leh eryidii Madeira, haddii ay wax xiriir ah la leedahay waxay xiriir la leedahay weerarkii Al-Shabaab kusoo qaadeen garoonka iyo dhaarinta soo socota xildhibaanada ee 14-ka la dhaarinaayo,” ayuu wareysiga ku yiri wasiir hore Aadan Aw Xirsi.

Siyaasiga oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in Midowga Afrika uusan adeegsan karin ciidan, isla-markaana ay dalka ku joogaan sharciyad, maadaama uu nidaam ka jiro.

“Midowga Afrika yacni muruqooda manoo gilgili karaan dalkan sharcibey ku joogan xukuumadbaa ka dhisan ra’iisul wasaare leedahay, madaxweyne leedahay marka ma noqon karaa ciidan meesha xoog ku heesta,” ayuu hadalkiis sii raaciyey Mr Aadan Aw-Xirsi.

Waxa kale oo uu kusii daray “Ninka uu ra’iisul wasaaraha ku mutay waa tegayaa oo ninkaas waa baxayaa, marka dowladda iyada ayey tahay in si ay u tacaamusho,”.

Si kastaba, howlgalka ATMIS ayaa ku dhowaaqay in la xirayo guud ahaan xerada Xalane 10-ka illaa 16-ka bishan April, tallaabadaas oo loo arko mid lagu carqaladeynayo dhaarinta xildhibaanada cusub oo munaasabaddooda loo qorsheeyey in la qabto 14-ka bishaan April.