Maxaa ka jira in ciidamo ka tirsan DF ay u goosteen dowlad-deegaanka Soomaalida?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay wararka sheegaya inay goosteen qaar kamid ah ciidamadii dhawaan tababarka loogu soo xiray deegaanka Xanan-buure ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo la sheegay inay u tallaabeen dhanka dowlad-deegaanka Soomaalida.

La-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf oo maanta la hadlay Wariyeyaasha, isaga oo ka qayb-galayay shirweynaha qaran ee amniga gudaha ee ka furmay Muqdisho ayaa beeniyay wararkaasi, wuxuuna tilmaamay in aysan jirin wax ciidan ah oo baxsaday.

Aweys Xaaji ayaa meesha ka saaray in ciidamadaasi ay haddda maxaabiis ahaan gacanta ugu hayso Dowlad-deegaanka Soomaalida, balse dowladdu ay siisay fasax, ayna ku maqan yihiin qoysaskooda oo halkaasi deggan.

“Ciidamada markii uu tababarka u dhammaaday waxaa la siiyay fasax si u booqdaan ehelladooda annaga raggaas waxay nooga maqan yihiin qoysaskooda, haddii ay carqalado jiraan waa mid aan warbaahinta lasoo wadaagi doono,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Illaa hadda nama soo gaarin in maxaabiis ahaan loo haysto, balse waxaan xogta ku haynaa inay fasax ku maqan yihiin, waana ogaaneynaa haddii ay wax jiraan sida loo sheegaayana ma aha arrinta”.

Ciidamada tababarka ku qaatay deegaanka Xanan-buure ayaa tiradoodu waxa ay gaareysaa ku dhowaad 3,000 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo muddo ku dhow hal sano tababar ku qaadanayay xero ku taalla halkaasi.

Tirada askarta tababarka dhammeystay ayaa lagu tilmaamay kooxdii ugu ballaarneyd ee heerkan oo kale gudaha Soomaaliya lagu tababaro tan iyo burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii, iyadoo dowladda ay tallaabadan qeyb ka dhigeyso qorshaha dib-u-dhiska ciidamada qaranka.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda federaalka ay dooneyso in ciidamada Soomaaliyeed ay si tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda buuxda ee amniga dalka, iyadoo howlgalka ciidamada Midowga Afrika uu wajahayo qorshe dhimis iyo kala-guur ah.

- Advertisement -

Read more

Local News