Xog cusub: Gudoomiyaha baarlamanka HirShabelle oo lunsaday dhaqaale xoogan

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Xildhibaanada baarlamaanka maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Cusmaan Barre Maxamed uu lunsaday dhaqaale xoogan oo loo dhiibay.

Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in dhaqaalahaasi lagu tabaayo Guddoomiyaha, isla markaana uu ka meermeerayo xaqiijinta halka uu ku bixiyay.

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo kamid ah baarlamaanka maamulka oo u waramaayay Idaacada dalsan ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in lacagtaasi ay ugu war danbeysay goortii ay u dhiibeen Gudoomiyaha.

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame, waxa uu tilmaamay in lacagtaasi loogu tallo galay dadkii uu waxyeelada kasoo gaaray Qaraxii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magalada Muqdisho.

Waxa uu Xildhibaanku qiray in lacagtaasi ay aheyd mid farabadan isla markaana uu lunsaday Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka oo isaga loo dhiibay, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame, waxa uu tilmaamay in dacwada Guddoomiyaha ay u gudbiyeen guddiga Anshaxa Baarlamaanka si wax looga qabto falka uu ku kacay Guddoomiyaha.

Guddiga Anshaxa ayuu ugu baaqay inay talaabo ka qaadan dacwada ku aadan lunsashada lacagta ee uu sameeyay Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka HirShabelle Cusmaan Barre Maxamed.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa xarunta ka yaal mooshin la sheegay in xilka looga qaadayo kadib markii lagu eedeeyay xil gudasho la’aan.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com