Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay wararka sheegaya in maalmaha soo socda la xiri doono garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kadib markii arrintaas si weyn loogu faafiyay baraha bulshada.
Hay’adda ayaa marka hore shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay in aysan waxba iska beddelin shaqada garoonka, isla markaana ay sidii caadiga ahayd u socdaan duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Sidoo kale, hay’addu waxay beenisay wararka la faafiyay ee ku aaddan in maalmaha soo socda la xirayo garoonka Muqdisho, iyadoo wararkaas ku tilmaantay kuwo aan waxba ka jirin, sida lagu caddeeyay bayaanka.
“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay shacabka Soomaaliyeed la wadaageysaa inaysan waxba iska bedelin howlaha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, ayna duulimaadyadii imaan jiray garoonka ay sidoodii u shaqeynayaan. Hay’addu waxay si cad u beenisay wararka dhoowaan la faafiyay ee sheegayay in garoonka la xirayo maalmaha soo socda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka.
Dhanka kale, Hay’adda ayaa farriin u dirtay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqday in xogta rasmiga ah ay kala socdaan bogga rasmiga ah ee Hay’adda Duulista Rayidka.
“Shacabka waxaa lagu boorrinayaa inay xogta saxda ah ee ku saabsan duulimaadyada iyo howlaha garoomada dalka ka helaan oo keliya baraha rasmiga ah ee HDRS,” ayaa la raaciyay.
Si kastaba, ha’ahaatee, Wararka la xiriira xaaladda garoonka Aadan Cadde ayaa si weyn ugu fiday baraha bulshada, taas oo keentay walaac iyo hadal-heyn ku saabsan shaqada garoonka iyo suurtagalnimada in la xiro maalmaha soo socda, balse waxaa arrintaas meesha ka saartay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.
Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa ah garoonka ugu weyn ee Soomaaliya, waxaana si joogto ah uga howlgala diyaarado isaga kala goosha magaalada Muqdisho iyo magaalooyin gudaha dalka ah, iyadoo sidoo kale ay yimaadaan duulimaadyo caalami ah.


