Wasiirkii gaashaandhiga xukuumadda Somalia oo is casilay (Sawirro)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya  Maxamed Mursal Sh.C/Raxmaan ayaa maanta iska casilay xilka Wasiirka gaashaandhigga,waxaana uu isu diiwaangeliyay tartanka guddoonka Golaha shacabka Soomaaliya.

Mursal,waxaa uu ka mid noqday tiro Wasiirro,Wasiir ku xigeenno iyo xildhibaanno isu sharraxay xilka guddoonka Golaha shacabka Soomaaliya.

Iscasilaaddiisa kaddib waxaa uu tagay xarunta Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka halkaas oo uu iska diiwaan geliyay kana qaatay Shahaaddada u oggolaaneysa in uu tartankaas ka qeybgalo.

Maxamed Mursal Sheekh Cabduraxmaan ayaa haayay mid ka mid ah xilalka ugu waaweyn ee golaha Wasiirada balse uu Maanta xilkaasi iska casilay,waxana sidoo kale shalay is casilay Wasiir dowle iyo Wasiir ku xigeen kuwaas oo ka mid noqday musharixiinta xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada ayaa la filayaa in ay dhacdo 30-ka Bishan April 2018,sida ku cad jadwalka ay baahiyeen Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com