Maxaa ka jira inuu xanuunsan yahay Aadan Madoobe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa beeniyey wararka sheegaya inuu xanuunsanayo.

Maxamed Xasan Idiris oo ah lataliyaha guddoomiyaha golaha shacabka oo la hadlay warhaabinta ayaa sheegay in guddoomiyaha uu Nairobi joogo, halkaasina uu ka wado kulamo kala duwan, wararka sheegaya inuu xanuunsanayo ay been abuur yihiin.

Idiris waxaa uu intaa raaciyey in guddoomiyaha uu dalka dib ugu soo laaban doono maalmaha soo socda, iyada oo laga yaabo inuu guddoomiyo shirka golaha Arbacada soo socota.

Hadalkan lataliyaha afhayeenka golaha shacabka ayaa imaanaya kadib markii ay soo baxeen warar been abuur ah oo sheegaya in guddoomiye Madoobe ku xanuunsanayo Kenya.

Warka xanuunka guddoomiyaha ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku faafay baraha bulshada, waxaana shaki weyn keenay in safarka guddoomiyaha uu ku aaday Nairobi uu ahaa mid qarsoodi ah.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulan isugu yimaado maalinta Arbacada ah ee soo socota si codka kalsoonida loogu qaado ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo uu dhawaan magacaabay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.