Maxaa kaga baxay sawirkaani qosolka badan ee laga sameeyay Jeneraal Gebra iyo Shariif Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawirkaani ayaa waxaa laga sameeyay Sanad guurada 1aad ee Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Wakiilka Dowlada Ethiopia u qaabilsan Somalia Gen. Gabra.

Ujeedka sawirkaani ayaa ka turjumaayo in Dowlada Ethiopia ay daajineyso Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan, waxa ayna taasi cadeyn u tahay in awooda Ethiopia ay ku dhex leedahay Somalia ay wali tahay mid jirta.

Dowlada Ethiopia ayaa gacanta ku heysa Siyaasada Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia, waxa ayna halkaasi ku joogtaa qorsho ah inay ka hortageyso Maleeshiyaadka Al-shabaab balse sheekadu intaa ka badan.

Gen Gebra ayaa Shariif Xassan ugu hanbalyeynaayo Sanadguurada Koowaad ee Maamulkiisa.

AminAmirArts