Maxaa kala haysta Axmed Godane iyo golaha culumaa’udiinka Soomaaliyeed

Golaha Culimada Soomaaliyeed ayaa bayaan ay ka soo saareen magaalada Muqdisho waxay ku cambaareeyeen hanjabaad ka soo yeertay Axmed Ow Cabdi Maxamuud oo loo yaqaano Godane, ee ku saabsan weeraro uu ka geysanayo gudaha wadanka Kenya, isagoo si gaar ah u sheegay inuu bartilmaameedsanayo caruurta iyo haweenka.

Bayaanka ka soo baxay Golaha Culimada oo uu ku saxiixnaa Sheekh Yaasiin Cali Axmed ayaa lagu cambaareeyay hadalka ka soo yeeray Axmed Godane, waxayna Culimadu caddeeyeen diinta Islaamka inaysan dhigeynin in la banneysto daadinta dhiigga shacabka rayidka ah oo waliba lagu faano.

“Waxaan cambaareyneynaa hadalkii Axmed Godane uu ugu hanjabayo dumarka iyo caruurta Kenya, hadalkaas kuma saleysna diinta Islaamka, mana dhigeyso Shareeco Islaam toona” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Golaha Culimada Soomaaliya.

Culimada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka dalalka Soomaaliya iyo Kenya inay muujiyaan geesinimo iyo dulqaad, isla markaana Dowladahooda ay kala shaqeeyaan nabadgelyada iyo sidii looga hortegi lahaa kooxaha argagixisada ah ee la damacsan burburka.

“Diinta Islaamka waa diin nabadgelyo, ma aha diin dadka lagu cabsi geliyo, ma ahan diin lagu marin habaabiyo dhallinyarada iyo dadka aqoontodu hooseyso, waa diin nasteexo oo lagu soo hirto” ayaa lagu yiri bayaanka Golaha Culimada.

DSC07906DSC07940DSC07942DSC08219DSC08290

Bayaanka ka soo baxay Golaha Culimada ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab uu u hanjabay shacabka ku dhaqan dalka Kenya, isagoo u aaneynaya inay doorteen Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ciidamo geliyay dalka Soomaaliya.

Culumaa’udiinka Soomaaliyeed shirweyne ay ku yeesheen Muqdisho ayaa waxay Fatwo ku saabsan xagjirnimada Soomaaliya, kaasi oo laga soo saaray kooxaha xagjirka Shabaab iyo Al-Qaacida in lagula dagaalamo meel kasta oo ay ku sugan yihiin.