Kheyre iyo culimada dalka oo kulan xasaasi ah xalay ka yeeshay muranka xajka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa xalay wuxuu kulan la qaatay culimada Soomaaliyeed waxaana uu kala hadlay arrimo ku aadan xajka iyo ammaanka.

Ugu horreyn, Ra’iisul wasaaraha ayaa culimada wuxuu siiyey warbixin guud oo ku aadan ammaanka dalka iyo sidoo kale waxyaabaha u qabsoomay xukuumaddiisa.

Si taas la mid ah, culimada ayaa iyaguna dhankooda waxay Kheyre usoo jeediyeen talooyinka ku aadan ammaanka iyo sidoo kale arrimaha xajka.

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ahaa culimadii la kulmay Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu ku qancay talooyinkii ay siiyeen culimadan.

“Waxaan kulan saacado qaatay la yeelannay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, wuxuu naga dhageystay talooyin aan u gudbinnay oo amniga iyo Xajka ah, wuxuu inoo sheegay in wax laga qabanayo talooyinkaan, wuu na qanciyey” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha kala hadleen arrimaha xajka iyo sidii dowladdu u fududeyn laheyd.

“Waxaa Ra’iisul Wasaaraha is weydaarsanay talooyin badan, waxaa kala hadalnay arrinta Xajka in sida ugu fiican lagu xalin karo, sidoo kale waxaa la wadaagnay cabashada bulshada, runtii Ra’iisul Wasaaraha aad ayuu nooga qanciyay, wuxuuna balan-qaaday waxyaabo badan oo laga cabanayo wax laga qaban doono”ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Muran iyo is qab qabsi ayaa ka jiray muddooyinkii u dambeeyay arrimaha Xajka, gaar ahaan arrinta shirkadaha diyaaradaha iyo qiimaha xajka ee sanadkan oo horay dowladda go’aan uga soo saartay, waxaana muranka iyo jahwareerka xilligan ka taagan arrimaha xajka uu saameyn ku yeeshay waqtigii la diyaarinayay viisaha xajka inuu dib u dhaco.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com