Xog: Saraakiishii Badbaado Qaran ee MUQDISHO ku dagaalay oo la is-horkeenay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta markii ugu horeysay laga wadahadlay dagaalka maalmihii lasoo dhaafay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dhex-maray ciidamo kawada tirsan militeriga Soomaaliya, kuwaas oo ay kala  hoggaaminayaan G/Sare Saney Cabdulle iyo Col. Cismaan Xaadoole.

Ugaaska beelaha Mudulood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa maanta isugu yeeray labadaan sarkaal, waxaana kulankaas lagu gaaray is faham hor dhac ah, sida aan xogta ku helnay.

Ilo ku dhaw kulankii maanta dhexmaray Ugaaska iyo labada sarkaal ayaa Caasimada Online u sheegay in is faham hordhac ah laga gaaray shaqaaqadii maalmihii lasoo dhaafay ciidamada kala taabacsan saraakiishan ku dhex-martay deegaanka Gubadley ee degmada Kaaraan.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa ku guuleystay inuu isu keeno labadan Sarkaal ee xurgufta u dhaxeeysay, waxaana gogol uu maanta u dhigay is faham hordhac looga gaaray wixii dhacay, waxaana hadda muuqda is dhexgal ay muujiyeen labada ciidan ee kala taabacsan G/Sare Saney Cabdulle iyo Col. Cismaan Xaadoole.

Sidoo kale xogta aan ka helnay kulankii maanta waxay intaas ku dareysaa in maalmaha soo socda loo balamay in la fidiyo gogol ballaaran oo lagu soo afjarayo xiisadda sababta gacan ka hadalka ee dhex-martay ciidamada ay kala hoggaamiyaan G/Sare Saney Cabdulle iyo Col. Cismaan Xaadoole.

Sida xogaha aan helnay ay sheegayaan, waxa ugu weyn ee dagaalka labadaan sarkaal uu salka ku hayo waa gacan ku heynta deegaanka Gubadley oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo dhawaan la filayo in loo aqoonsado degmo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qorshaha degmo looga dhigayo Gubadley waxaa sidoo kale ku lammaansan in iyagana degmooyin laga dhigo Garasbaaley iyo Daaru-Salaam oo ah laba deegaan oo soo buuxiyey shuruudihii loogu aqoonsan lahaa degmooyinka gobolka Banaadir.