Maxaa kasoo baxay shirka Kampala ee Soomaaliya?

Bookmark
Bookmarked

Share

Kampala (Caasimada Online) – Dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa si wadajir ah u sheegay in guusha laga gaarayo dagaalka Al-Shabaab aysan ku iman karin howlgal millateri oo keliya, balse ay u baahan tahay xasillooni siyaasadeed, wada-hadal iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Qodobkan ayaa lagu muujiyay shir ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, kaas oo ay ka qeyb-galeen Soomaaliya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Itoobiya, Masar iyo Kenya, iyadoo sidoo kale ay goobjoog ahaayeen wakiillo ka socday Midowga Afrika (AU), urur-goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay.

War-murtiyeedka shirka ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay weli tahay khatar amni oo halis ku ah Soomaaliya, isla markaana ay sii waddo beegsiga ciidamada iyo hay’adaha amniga ee dalka.

Dalalka ka qeyb-galay shirka ayaa carrabka ku adkeeyay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab lagu lammaaniyo xoojinta maamulka, dib-u-heshiisiin siyaasadeed, kobcinta dhaqaalaha iyo wax ka qabashada saboolnimada, si loo helo nabad waarta.

Shirku wuxuu sidoo kale ku nuux-nuuxsaday muhiimadda kala-guurka amni ee qorsheysan, isaga oo ka digay in meelaha ciidamada laga saaro ama laga wareejiyo ay abuuri karaan firaaq amni oo ay ka faa’iideystaan kooxaha hubeysan.

Sidoo kale, waxaa la isku raacay in mustaqbalka amniga Soomaaliya uu ku xiran yahay dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo awood leh, kuwaas oo si buuxda ula wareegi kara mas’uuliyadda sugidda amniga dalka.

War-murtiyeedka ayaa xasilloonida siyaasadeed ku tilmaamay tiirka ugu muhiimsan ee nabadda Soomaaliya, iyadoo lagu baaqay wada-hadal joogto ah iyo iskaashi dhow oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada.

Ugu dambeyn, dalalka shirka ka qeyb-galay waxay xuseen in maalgelinta howl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM ay weli tahay mudnaan muhiim ah, iyagoo ugu baaqay beesha caalamka inay sii waddo taageerada dhaqaale si loo ilaaliyo guulaha amni ee la gaaray loogana hortago dib-u-dhac.

- Advertisement -

Read more

Local News