Xog cusub oo laga helay qaraxii shalay lagu dilay xildhibaan CABDI WELI

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxii shalay lagu dilay xildhibaankii Afaraad oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xildhibaankaasi ayaa noqonaya xildhibaankii ugu horeeyay oo katirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu dilo magaalada Muqdisho, waana xildhibaankii Afaraad oo laga dilo baarlamaanka Hirshabeelle.

Bishii Ramadaan labo xildhibaan ayaa Hirshabeelle looga dilay duleedka degmada Balcad, halka xildhibaan kale uu ku dhintay Qarax ka dhacay Shabeelaha Hoose.

Darawalkii Gaariga xildhibaanka shalay la dilay ayay xireen laamaha amaanka ee magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha baarlamaanka, isagoo sheegay in su’aalo laga weydiinayo qaraxa lagu xiray gaariga xildhibaanka.

Darawalka Gaariga ayaa ka maqnaa gaariga xilliga qaraxa uu dhacayay, waxaana taasi ay dhalisay shaki badan oo ku aadan inuu wax ka ogaa dadka qaraxa gaariga ugu xiray xildhibaanka.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan iney suura gal tahay in Wadaha gaariga Xildhibaanka geeriyooday waxyaabaha loo heysto ay qeyb ka tahay Dayac uu ku sameeyay gaariga, maadaama lagu xiro waxyaabaha Qarxa.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay inay socdaan baaritaano dheeri ah oo ku saabsan sida qaraxa uu u dhaca iyo cidda ka dambeysay dilka Xildhibaan C/Welli Sheikh Ibraahim.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa kusugan badankood magaalada Muqdisho, maadaama ay galeen fasax labo bilood ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com