Xog ka cusub qaraxyadii CID + Ajaaniib lagu arkay xarunta oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii qaraxyo loo adeegsaday gaadiid ay ka dhaceen dhismaha xarunta CID-da ayaa waxaa halkaasi gaaray saraakiil ajaaniib ah kuwaasi oo baaritaan kula dhaqaaqay goobta qaraxa uu ka dhacay.

Ku dhawaad lix ruux oo ajaaniib ah oo wata jaakadaha xabadda aysan karin ayaa baarayay gaadiidka loo adeegsaday qaraxyada iyo sida uu u dhacay, waxaana muddo saacado ah ay ku sugnaayeen goobta qaraxyada ay ka dhaceen.

Saraakiil ay kamid yihiin taliyaha ciidamada NISA ee Banaadir iyo taliyaha ciidamada booliska ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana sidoo kale qeyb ka ah wafdiga goobta tagay wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed.

Ciidamada ajaaniibta ah ayaa la sheegay iney eegayaan biraha gaadiidka qaraxyada loo adeegsaday iyo kiimikada ku jirtay waxyaabaha qarxay.

Dhinaca kale shir u dhaxeeyay wasiirka amniga iyo taliyaha nabad sugida Banaadir iyo saraakiil kale ayaa ka dhe dhacay xarunta CID-da oo maanta qaraxyada lagu weeraray.

Kulankaasi ayaa waxaa diirada lagu saaray sida ay ku dhaceen qaraxyadii saaka iyo qaabka ugu fudud ee looga hortagi karo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab ayaa baahisay in qaraxyada ay ahaayeen kuwo ay ka dambeeyeen Al-shabaab ayna gudaha u galeen xarunta dambi baarista booliska Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com