Arrin kasoo korortay kiiska Caa’isha Ilyaas iyo xukunkii maxkamadda NUGAAL

Garowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kusoo kordhay xukunkii maxkamadda gobolka Nugaal ay ka qaadatay dadkii loo heystay falkii kufsiga iyo dilka ee loo geystay Caaisho Ilyaas.

Warar dheeraad ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in qoyska ay kasoo jeedaan dhalinyarada la xukumay ay qaateen racfaan ka dhan ah xukunka maxkamadda gobolka Nugaal.

Qoyska ayaa shaaciyay inaysan ku qanacsaneyn xukunka maxkamadda gobolka Nugaal, taasi oo keentay inay racfaan qaataan, sida ilo xog ogaal ah inoo xaqiijiyeen.

Ehelada Marxuumad Caaisho Ilyaas waxay cadeyeen in ay ku qanacsan yihiin xukunka ay gaartay Maxkamaddaha Puntland, si kasta oo ay kooxda kale u qaataan Racfaana ay ku qanacsan yihiin wixii sharcigu uu siiyo.

Dambiilayaasha Maxkamaddu ku heshay dambiga Eheladooda qaar kamid ah oo ka hadlay magaalada Burtinle ayaa dhawaan sheegay in aysan aqoonsaneyn go`aanka maxkamadda iyo DNA-ga laga qaaday oo ay sheegeen in ay tahay mid aan shareecadu ogoleyn.

Maxkamadda gobolka Nugaal ayaa dhawaan xukun ku riday seddex ruux oo lagu helay dambiga loo heystay, waxaana maxkamadda ay u riday dil toogasho iyadoo la sii daayay dhalinyaro kale oo dambiyo lagu waayay.
Ehelada Qoyska Caaisho Ilyaas ayaa cadaalad daro ay ka cabanayaan waxay kaga guureen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Caasimada online
Xafiiska Nugaal
Caasimada@live.com