Maxaa laga baran karaa khaladaadka xafladii caleema-saarka madaxweynaha?

By Asad Cabdullahi Mataan

Horudhac

Xafladaha caleema saarka madaxda caalamka ayaa ah kuwa inta badan aad loogu diyaar garoobo, si aad u sareeyana loo soo agaasimo. Xafladahani ayaa u baahan qaban qaabo iyo diyaar garow aad u wanaagsan, hanaan isku dubbaridan oo aad looga soo shaqeeyey iyo hab maamuus sharaf leh oo tusaale ka bixin kara maamul wanaagga dalka marti gelinaya xafladda. Maadaama ay xafladahani soo xaadirayaan madax kala duwan oo ka kala socda dalalka caalamka waxay xafladahani muraayad u noqon karaan heerka dowladnimada iyo maamulka dalka. 

Khamiistii ay taariikhdu ku beegneyd June 09, waxaan si lamid ah kumanaanka kun ee Soomaalida dunida dacaladeeda ku dhaqan daawanayay xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Ogaantey waxaa goob joog ahaa madax heerarkoodu kala duwanaa hab maamuus ahaan iyo mansabka ay ka hayaan dalalkii ay metalayeen. Sidoo kale waxaa marag madoonto ah in wakiilada halkaa fadhiyey ay kala metalayeen dowlado uu qaarkood ka dhaxeeyo xifaaltan aad u sareeya isla markaana ay madashani ahayd meesha qudha oo ay kuwada kulmi kareen, mid walbana kalmaddiisa ka jeedin karay.  

Kol haddii ay arintu sidaasi ahayd waxaan filayay inay xafladdu noqon karto mid isku dubbaridkeeda si aad ah looga soo shaqeeyey agaasinkeeda iyo barnaamijka xafladana dhawr jeer la tijaabiyey. Hase ahaatee waxaan arkey hab maamuus aad u liitay runtii, isku dhex yaacsanaan iyo khal khal ku jirey barnaamijka kaasoo sawir khaldan ka bixiyey heerka maamul wanaagga iyo hab maamuuska dalka iyo dowladda Somalia. Waxay ahayd in arintani aad looga taxaddiro loogana baaraandego laakin may dhicin mana garan karo inay jirtey sababo habacsanaanta intaa le’eg keentey, waxaanse rajaynayaa inay tani noqoto cashar wax laga barto.

Agaasinkii liitey ee xafladda

1. Waxaa bilowgii xafladda loo yeedhey kooxda dhaantada kuwaasoo aaney meesha kasoo muuqan inkastoo dhawr jeer uu daadihiyaha barnaamijka ku cel celiyey inay soo galaan. May soo xaadirin goobta waxayse yimaadeen goor dambe oo ay xafladdu dhamaad tahay. Kol haddii ay bilowgii xafladda soo xaadiri waayeen waxay ahayd in loo kaadiyo intay ka dhamaanayaan khudbadaha martida, taasi may dhicinee waxaa la dhex geliyey khudbadaha oo waxaa ciyaarta laga soo hor mariyey khudbadda Madaxweynaha Jabuuti. Maadaamaa ay kooxdani ahayd ta qudha ee meesha ka ciyaareysey way sahlanayd in waqti xaddidan oo meesha ku joogaan la siiyo taasoo isku dubaridkeeda aad u sahlanaan lahaa.

2. Waxaa khudbadaha lagu furey kalmadda wasiirka beeraha waddanka Turkiga kadibna waxaa loo yeedhey Ra’iisul wasaaraha dalka si uu martida usoo dhaweeyo. Waxaa la yaab lahayd sababta keentey in khudbadda wasiirka dalka Turkiga ay uga soo hor marto kalmadda soo dhawaynta Ra’iisul wasaaraha dalka. Haddiiiba uu khalad farsamo dhacay waxay ahayd in kalmadda Ra’iisul wasaaraha dalka dib loo dhigo oo lala sugo dhamaadka kalmadaha madaxda martida isla markaana khudbadda Ra’iisul wasaaraha dalka loo bedelo mid uu ugu mahad celinayo madaxdii martida ahayd ee meesha ka hadashay makrafoonkana uu markaa kusoo dhaweeyo madaxweynaha cusub ee la caleema saarayay.  

Hab maamuuskii khaldanaa

1. Madaxda martida ahayd waxay iskugu jireen kuwa darajooyinkoodu uu kala sareeyo; waxaa ku jirey madax dowladeed (Head of State) oo heer madaxweyne ama Ra’iisul wasaare ah; Madaxweyne ku xigeen; Madax xukuumadeed; wasiiro; wasiiro dowleyaal; iyo wakiilo gaar ah (Special Envoy) oo ay soo wakiisheen madaxweynayaashooda. Khudbaduhu waxay ahaayeen in sida ay ukala darajo sareeyaan madaxda la iskugu xig siiyo oo loogu yeedho makrafoonka. Waxaa la yaab lahayd in wasiirka beeraha dalka Turkiga lagu furey xafladda kadibna ay ku xigeen wasiiro, wasiiro dowlayaal iyo ergo gaar ah. Madaxdii ugu sareysey sida madaxweynayaasha dalalka Jabuuti iyo Kenya iyo Ra’iisul wasaaraha waddanka Ethiopia oo ayagu heer madax dowladeed (Head of State) lahaa ayaa loogu dambeysiiyey dhanka jeedinta kalmadaha. In kastoo wasiiru dowlaha arimaha debedda dowladda Imaaraadka Carabta uu bilowgii kalmaddiisa meesha kasheegey khal-khalka ka muuqdey hab maamuuska iyo kala horeysiinta kalmadaha ay ugu wacneyd soo kala hormaridda jadwalka duulimaadyada, haddana meesha kama muuqan madax xilli dambe soo gashey hoolka ama kuwa xili hore ka baxay, laakiin wasiiru dowlahu malaha arintani waxa uu uga faa’iideystey in hab maamuuskii khaldanaa uu qariyo asagoo ugu danaynayey Soomalida (waa fikirkayga tani).

2. Wasiiru dowlaha arimaha debedda dowladda Qatar ayaa asagana meesha ka xaqiijiyey in looga naxsadey kalmadda lagu soo dhaweeyey ayadoo lama filaan ku noqotey in lagu soo dhaweeyo makrafoonka. Waxay taasi tuseysay inaanu fileynba wasiiirku inuu meesha ka hadli doono, sidoo kale kalmadihii uu meesha ka jeediyey ayaa tusaale u ahaa inaanu u diyaarsanayn inuu hadlo maadaama aan horey loo war gelin. Waxay ahayd in guddiga agaasinka xafladda ay madaxda si horudhac ah ugu sheegaan in makarafoonka lagu soo dhawaynayo si ugu yaraan ugu diyaar garoowaan fursadda la siiyey.

3. Marka xaflado noocan oo kale la joogo waxaa madaxda lasoo dhawaynayo iyo kuwa loo mahad celinayaba loogu yeedhaa hab maamuuska ay huwan yihiin, sidoo kale waxaa la sheegaa magaca dhamaystiran ee dowladahooda. Tusaale ahaan: Waxaan soo dhawaynayaa madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan Mudane XXX; waxaan soo dhawaynayaa wasiirka beeraha ee dalka Jamhuuriyadda Turkey Mudane XXX; waxaan soo dhawaynayaa ra’iisul wasaaraha jamhuuriyadda dimuqraadiga federaalka Ethiopia Mudane xxxx iyo wixii lamid ah. Taa beddelkeeda waxaa madaxda qaar loogu yeedhayay si caadi ah oo aan hab maamuus ka muuqan sida “waxaan u yeedhayaa South Sudan”, “waxaan soo dhawaynayaa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta; waxaan soo dhawaynayaa Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, waxaan u mahad celinayaa Turkiga” iyo wixii lamid ah. Kuwa qaar ahna waxaa lasiinayay hab maamuus aan kooda ahayn sida marka wasiiru dowle Imaaraati ah loogu yeedhayo His Royal Highness maadaama ay darajadaasu leeyiihiin oo qudha amiirada boqortooyooyinka.

Arimahani ayaa ahaa kuwa aad looga fiirsan karay maadaama liiska madaxada iyo magacyadooduba la hayay sidoo kalena la og yahay in dowladaha wakiilada soo dirsadey ay ahaayeen Jamhuuriyado ama Boqortooyo ama Dowlad caadi ah sida dowladda Qatar (State of Qatar). 

Hab maamuus xumida intaa le’eg iyo isku yaacsanaantaasi ayaa shaki gelin kartey madaxda qaar oo u arki karay in aanay dowladda casuumadda u fidisey ka helin hab maamuuskii ay mudnaayeen ama in aan magacii iyo maqaamkii ay lahaayeen la siinin, marka lasoo koobana waxay ku ahayd bahdilaad innaguse waxay inaga ahayd dhayalsi iyo aqoon xumo.

Gabo-gabo

Ugu dambayn maamul wanaagga iyo agaasinka suubani waxay dani ugu jirtaa dowladda waxayna u tahay wax ay ku faani karto. Sidaa awgeed waxaan rajaynayaa in khaldaadka noocani oo kale ah aad iyo aad wax looga barto, dhayalsiga iyo isku yaacsanaantana laga dhex saaro goobaha noocan oo kale ah oo runtii u baahan agaasin sare iyo maamul wanaag.

Dr. Hussein Y. Hassan (hssn.hassan@icloud.com)

Dr. Xuseen waa khabiir caalami ah oo 17-kii sannadood ee lasoo dhaafey arrimaha gargaarka bani’aadaminimada iyo horumarka hay’adaha dowladda kaga soo shaqeeyey dalal badan oo katirsan Qaaradda Afrika, Bariga Dhexe, Bariga Qaaradda Yurub iyo Koonfur Bari Aasiya.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.