Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa martigelineysa shir-madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan dalalka ciidamada ku biiriyay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM, xilli ay sii kordhayaan su’aalaha ku saabsan mustaqbalka howlgalka, maalgelintiisa iyo waajibaadka uu yeelan doono wixii ka dambeeya sannadka 2026.
Shirkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah ayaa looga hadlayaa sidii loo sii wadi lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo halku-dhiggiisu yahay “Sii wadidda geeddi-socodka xasillinta Soomaaliya.”
Sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Uganda, shirku wuxuu Arbacadii ku furmay kulan ay yeesheen taliyeyaasha ciidamada dalalka ka qeybgalaya, halka Khamiista maanta ah ay kulmi doonaan wasiirrada gaashaandhigga. Madaxda dalalka iyo dowladaha ayaa lagu wadaa inay kulankooda ugu sarreeya yeeshaan Jimcaha.
Madax iyo wakiillo sare oo ka socda Burundi, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya iyo Uganda ayaa ka ka qeyb galaya shirka. Waxaa sidoo kale ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka socda Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Urur-goboleedka IGAD.
Shirkan ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo ciidamada Soomaaliya, kuwa AUSSOM iyo saaxiibbada caalamiga ah ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo dowladda federaalka ay isku diyaarineyso inay si buuxda ula wareegto masuuliyadda amniga dalka.
Mustaqbalka howlgalka
Mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ee la filayo inay shirka ka qeyb galaan waxaa ka mid ah ku-xigeenka xoghayaha guud ee howlgalada nabad-ilaalinta, ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Soomaaliya iyo madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOS.
Wafdiga Midowga Afrika waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf. Waxaa sidoo kale ka mid ah guddiga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha siyaasadda, nabadda iyo ammaanka, iyo wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene.
IGAD ayaa dhankeeda waxaa shirka ku matalaya ku-xigeenka xoghayaha fulinta ururka.
Dowladda Uganda ayaa bayaan ay soo saartay ka hor shirka ku sheegtay inay ka go’an tahay taageeridda nabadda, ammaanka iyo xasilloonida gobolka, iyadoo la kaashaneysa Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, IGAD iyo saaxiibbada kale ee caalamiga ah.
“Dowladda Uganda waxay sharaf u aragtaa inay martigeliso kulankan muhiimka ah, waxayna mar kale xaqiijineysaa sida aan leexleexadka lahayn ee ay uga go’an tahay nabadda, ammaanka iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Colonel Chris Magezi, oo ah sii-hayaha agaasimaha warfaafinta ciidamada Uganda.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii December 2025 muddo sannad ah ku kordhiyay waajibaadka AUSSOM, isaga oo isla markaana ku baaqay in la sii taageero qorshaha Soomaaliya ay kula wareegeyso masuuliyadda buuxda ee amnigeeda.
Hase yeeshee, weli waxaa taagan hubanti la’aan ku saabsan qaabka uu howlgalka u shaqeyn doono wixii ka dambeeya dhammaadka sannadkan, tirada iyo goobaha ciidamada la geynayo, iyo halka laga heli doono maalgelin joogto ah.
Howlgallada Al-Shabaab
Inkastoo Al-Shabaab ay weli fuliso weerarro ka dhaca qeybo ka mid ah Soomaaliya, mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay sannadkii la soo dhaafay dib ula wareegeen deegaanno istaraatiiji ah.
Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in howlgallada lagu dilay hoggaamiyeyaal iyo dagaalyahanno ka tirsan kooxda, isla markaana adeegyada aasaasiga ah dib loogu celiyay qaar ka mid ah deegaannadii laga saaray Al-Shabaab.
Adeegyada dib loo howlgeliyay waxaa ka mid ah xarumaha caafimaadka, iskuullada iyo waddooyinka isku xira deegaannada, inkastoo xaaladda amniga ay weli caqabado ka jiraan gobollo badan.
Dadaallada militari waxaa taageeraya saaxiibbo caalami ah, iyadoo Turkiga uu door sii kordhaya ka qaadanayo tababarka ciidamada, iskaashiga amniga iyo dadaallada siyaasadeed ee lagu xoojinayo dowlad-dhiska Soomaaliya.
Tan iyo horraantii bishan July, Ankara ayaa sidoo kale fududeysay wadahadallo u dhexeeya dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu yareeyo khilaafaadka siyaasadeed ka hor marxaladda xigta ee dowlad-dhiska iyo dib-u-habeynta amniga.
Dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale ka socday xarunta Midowga Afrika. Isniintii, Danjire El Hadji Ibrahima Diene ayaa guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika warbixin ka siiyay fulinta waajibaadka AUSSOM iyo xaaladda guud ee amniga Soomaaliya.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in madaxda ku kulmeysa Kampala ay xoogga saari doonaan sidii looga hortagi lahaa in dib looga laabto guulaha amni ee la gaaray, isla markaana loo dejin lahaa qorshe cad oo ku saabsan maalgelinta, qaab-dhismeedka ciidamada iyo habka kala-guurka ee howlgalka.
Go’aannada kasoo baxa shirka ayaa la filayaa inay saameyn weyn ku yeeshaan marxaladda xigta ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana suuragal ah in laga diyaariyo talooyin loo gudbiyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

