Maxaa looga hadlay kulanka Jaamac uu guddoomiyay ee ka dhacay Villa Hargeysa?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankooda toddobaadlaha ah ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.

Kulanka waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), waxaana ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guddoomiye Jaamac oo kulanka furay ayaa xubnaha guddiga warbixin ka siiyay kulan uu la yeeshay guddi xildhibaanno ah oo wakiil ka ah xildhibaannada mucaaradka, isagoo sidoo kale ka warbixiyay dhambaallo hambalyo ah oo uu ka helay guddoomiyeyaasha baarlamaannada dalalka caalamka, hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xubnaha la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha guud ee Golaha Shacabka iyo arrimaha horyaalla, iyadoo kulanka lagu falanqeeyay shaqada baarlamaanka iyo waajibaadka dastuuriga ah ee golaha.

Intaas kadib, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) ayaa guddoomiyaha iyo xubnaha kale ee guddiga la wadaagay warbixin ku saabsan hindise-sharciyeedyada horyaalla guddiyada golaha.

Xoghayaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay hindise-sharciyeedyadii soo maray akhrinnada kala duwan, iyadoo guddoomiyeyaasha guddiyada laga dhageystay warbixinno ku saabsan shuruucda ay gacanta ku hayaan iyo marxaladaha ay marayaan.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu eegay jadwalka loo qorsheeyay in hindise-sharciyeedyada iyo shuruucda ay guddiyadu gacanta ku hayaan loo horgeeyo kulamada Golaha Shacabka, si loo sii ambaqaado howlaha sharci-dejinta.

Guddoomiye Jaamac oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka golaha, si uu u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah, isagoo ballanqaaday in golaha uu ku hoggaamin doono si waafaqsan xeer-hoosaadka iyo shuruucda u degsan.

- Advertisement -

Read more

Local News