Maxaa maanta ka dhacay duleedka Jowhar?

Jowhar (Caasimada online) Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan ururka al-shabaab  weerar gaadmo ah ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya oo ku sugnaa goob Check Point ah oo sida wararku ay sheegayaan ay lacago ku qaadi jireen.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa sida ay sheegteen al-shabaab waxay ku dileen ilaa 24 -aski oo kamid ah ciidamadii ay maanta weerarka ku qaaden ,iyagoo intaasi ku daray inay halkaasi kasoo qaateen wixii ay hub heysteen ciidamdii ay weerareen  sida ay tilmaameen .

Arintan, waxaa beeniyay saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana ay sheegeen in weerarkaas looga dilay hal askari oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya isla-markana mid kale looga dhaawacay.

Al-shabaabka weerarka ku soo qaaday ciidamada dowlada Soomaaliya ayay dadka deegaanku waxay inoo sheegeen inay wateen gaari nuuca Soomaalidu ay u taaan caasiga, taasi oo keentay in ciidamo wax shaki ah aaney ka muujin balse mar qura ay ka war heleen rag hubeysan oo gaariga kasoo daadanaya sidaasina uu dagaalku ku bilaawday .

8-dii June ee sanadkan ayaa sida oo kale waxaa rag ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Jariiroow ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al-shabaab ayaa waxay dagaal kula jiraan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo dhinacyada taageera , waxaana ay ku sugan yihiin degaano iyo degmooyin ka mid ah gobolkaas oo ay ugu horeyso degmada jowhar dariska laah ee mahadaay.

Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa dhowr jeer oo hore waxay shaaca ka qaadeen inay weerari doonaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada ururka al-shabaab .

Caasimada online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com