Maxaa Goodax ku kalifay inuu dhaho imtixaankii Puntland waa fashilmay?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Waxbarashada Dowlada Federalka Cabdulaahi Goodax Barre oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa halkaasi ka sheegay in imtixaanka dugsiyada sare ee Maamulka Puntland ee Shalay ka bilowday degaanadasi uu fashilmay, ayna dhacdo in imtixaannaadu ay suuqa galaan.

Wasiirka wasaarada waxbarashada Dowlada Federalka Cabdulaahi Goodax Barre ayaa soo xiganayey hadal Shalay kasoo yeeray Madaxweynaha Putland Siciid Deni xilli uu furay imtixaanka dugsiyada Sare ee Puntland. isagoo sheegay in mid kamida maadooyinkii imtixaanka Shalay ay suuqa gashay, balse ay degdeg u bedeleen, laakiin warka Wasiir Goodax ayaa siyaabo kala duwan loo fasiray isagoo ahaa mid ku wajahan imtixaanka Puntland.

Wasiir Goodax Barre ayaa si weyn loogu cambaareeyay go’aankii uu joojiyey imtixaankii wasaaradiisa ee suuqa galay, waxaana uu ku dooday in 120 goobood oo imtixaanka lagu qaaday uu hal meel oo kaliya ka baxay.

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ayaa hore ugu fashilantay in imtixaanka dowladda la gaarsiiyo maamulka Puntland oo diiday inuu qeyb ka noqdo imtixaanka dugsiyada sare ee Dowladda Soomaaliya.

Dadka qaar ayaa hadalka Goodax Barre ee ku aadan Imtixaanka Puntland ku micneeyey inuu weli ka xanaaqsan yahay go’aankii ay Puntland ku diiday inay ka qeybgasho Imtixaanka ay Dowladda Dhexe qaadeyso.

Wasiirka ayaa sidoo kale la sheegay inuu hadalkaas ka keenay maadaama uu fashilmay imtixaankii Wasaaradda horeyna ay Puntland u sheegtay inaan la isku haleyn karin uu hadda rabo inuu ka shaqeeyo sidii loo fashilin lahaa Imtixaanka Maamulkaas.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa galay xaalad siyaasadeed oo aad u adag, wuxuuna wajahayaa cadaadis badan oo kaga imaanayo Maamul Goboleedyada iyo ardaydii uu Imtixaanka ka joojiyey.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com