Maxaadan ogeyn oo maanta ka dhacay gobolka Baay

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Bay, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowlada iyo kuwa AMISOM ay la wareegen deegaano hoostaga gobolka Baay oo ay ku sugnaayen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Saraakiisha hogaamineysay ciidamada ayaa sheegay in howlgallo qorsheysan oo ay iska kaashanayeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

Saraakiisha waxa ay sheegen in inta uu socday howlgalka ay ciidamada la wareegen deegaano hoostaga degmada Qansax-dheere, waxa ayna intaa raaciyeen in deegaanadaasi lala wareegay iyada oo aan dagaal dhicin.

Waxa ay intaa ku dareen in deegaanada ay la wareegen tirro ahaan ay gaarayaan ilaa Afar deegaan oo horey ay ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Sidoo kale, Saraakiishu waxa ay intaa ku dareen in halkaasi ay kasoo qabteen Hub ay ka carareen maleeshiyaadka oo u badan AK47 iyo Bamgacmeedyo.

Dhanka kale, ciidamada is garabsanaaya ayaa usii ruqaansaday deegaano kale oo ay heystaan maleeshiyaadka Al-shabaab kuwaasi oo hoostaga deegaano duleedka ka ah gobolka Baay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com