Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, kaddib markii ciidamo lagu daadiyey guriga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada maamulka, Maxamed Gacal.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo ku sugan Dhuusamareeb, ciidamada ayaa la dul dhigay guriga guddoomiyaha xilli uu qorsheynayay inuu furo kalfadhiga Golaha Wakiillada, iyadoo tallaabadan loo aaneynayo khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.
Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiye Gacal uu doonayay inuu kalfadhiga Golaha furo, isla markaana uu Golaha horkeeno qorshe la xiriira mooshin lagu ridayo xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).
Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daraya in tallaabadan ay ka dhalatay khilaafka u dhexeeya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo hoggaanka Galmudug iyo Dowladda Federaalka, kaas oo la xiriira habka loo maareeyay arrimaha siyaasadeed iyo doorashooyinka maamulka.
Xiisadda ayaa kusoo beegmaysa xilli Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay laashay natiijooyinkii doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee Galmudug, kaddib markii ay sheegtay in doorashadii 30-kii Luulyo 2026 aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka.
Go’aanka Maxkamadda Sare ayaa Galmudug geliyay xaalad siyaasadeed oo cusub, iyadoo maxkamaddu amartay in doorashooyinka maamulka dib loogu celiyo, halka hay’adihii hadda jiray loo oggolaaday inay sii wataan shaqadooda ilaa laga soo dooranayo hay’ado cusub.
Guddoomiye Maxamed Gacal oo dhawaan Muqdisho kaga hadlay hanaanka loo maareeyay doorashada Galmudug ayaa muujiyay inuusan ku qanacsanayn habkii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay arrintaas u wajahday.
Arrintan ayaa dab kusii shidaysa xiisadda siyaasadeed ee Galmudug, iyadoo aan weli si rasmi ah loo caddeyn sababta ciidamada loogu daadiyey guriga guddoomiyaha iyo tallaabada xigta ee uu Golaha Wakiilladu qaadi doono.

