Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Itoobiya aysan ku soo wargelin wax qorshe ah oo ay ciidamadeeda ugala baxeyso Soomaaliya, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Addis Ababa ay qorsheyneyso inay dalka kala baxdo in ka badan 3,000 oo askari.
Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Muqdisho aysan wax ogeysiis ah ka helin dowladda Itoobiya oo ku saabsan qorshe noocaas ah.
“Itoobiya naguma soo wargelin wax qorshe ah oo ah inay ciidankeeda kala baxeyso Soomaaliya. Haddii ay sidaas noo sheegaan, waan idiin sheegi doonnaa,” ayuu sarkaalku yiri.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii warbaahinta Bloomberg ay werisay in dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay diyaarineyso inay kumannaan askari kala baxdo Soomaaliya, xilli dagaallada gudaha Itoobiya ay sii xoogeysanayaan.
Bloomberg ayaa sheegtay in in ka badan 3,000 oo askari laga yaabo inay Soomaaliya ka baxaan maalmaha ama toddobaadyada soo socda, iyadoo soo xiganeysa ilo xog-ogaal u ah qorshaha.
Weli ma cadda in ciidamada la sheegay in la saarayo ay yihiin kuwa Itoobiya kaga jira howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwa ku jooga heshiisyo laba geesood ah, ama labada qeyboodba.
Bixitaan ma yahay suurta-gal?
Cabdinaasir Maxamed, oo ah falanqeeye amni oo fadhigiisu yahay Muqdisho, ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo haddii ciidamada Itoobiya laga saaro Soomaaliya, isaga oo si adag u dhaliilay kaalintii Addis Ababa ay dalka ku lahayd sanadihii lasoo dhaafay.
“Waa war aad loogu farxo in Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya. Muddo tobannaan sano ah ayey dhibaatooyin ka wadeen gudaha dalka, waxayna ku lahaayeen saameyn aad u taban oo ay tahay inay soo dhammaato, waana la joogaa waqtigii ay dhammaan lahayd,” ayuu Cabdinaasir yiri.
Hase yeeshee, wuxuu sheegay inuu weli shaki ka qabo in Itoobiya dhab ahaan qorsheyneyso inay si weyn u yareyso joogitaankeeda militari ee Soomaaliya.
“Balse waxaan weli qabaa shaki ah in arrintan dhab tahay iyo in kale, sababtoo ah marna Itoobiya ma dooneyso inay lumiso saameynta ay ku leedahay Soomaaliya, ee taban, si gaar ahna saameynta amni,” ayuu yiri.
“Balse haddii ay run tahay waa arrin mudan in la soo dhoweeyo.”
Itoobiya ayaa muddo dheer ciidamo ku lahayd Soomaaliya, qaar ka tirsan howlgalka Midowga Afrika iyo kuwo kale oo ku jooga heshiisyo laba geesood ah oo ay la gashay dowladda Soomaaliya.
Joogitaanka ciidamada Itoobiya ayaa mar kale noqday arrin siyaasadeed oo xasaasi ah markii xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa uu xumaaday kadib heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya la gashay Somaliland horraantii 2024.
Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaas si adag uga hortimid heshiiska, waxaana Muqdisho ay sidoo kale dalbatay inaan ciidamada Itoobiya lagu darin howlgalka cusub ee AUSSOM.
Cabdinaasir ayaa sheegay in dadaalkii Itoobiya ay xilligaas ugu jirtay inay ciidamadeedu kusii jiraan Soomaaliya uu sabab u yahay shakiga uu hadda ka qabo wararka bixitaanka.
“Waxaa xusid mudan markii Soomaaliya iyo Itoobiya isku qabteen MoU Somaliland, ee Muqdisho dalbatay in ciidanka Itoobiya laga saaro AUSSOM, Addis Ababa waxay dadaal dheer u gashay sidii taasi aysan u dhici lahayn,” ayuu yiri.
“Taasi waxay kuu caddeyneysaa in Itoobiya aysan marna dooneyn inay ka tagto Soomaaliya. Balse waan arki doonnaa.”
Kulankii Xasan Sheekh iyo Abiy
Wararka ku saabsan suurta-galnimada bixitaanka ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale kusoo beegmaya maalin kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.
Labada dowladood wax heshiis ah kama aysan shaacin kulanka, mana aysan sheegin in Xasan Sheekh iyo Abiy ay ka wada hadleen suuragalnimada in Itoobiya ciidamo kala baxdo Soomaaliya.
Arrintaas ayaa kusoo beegmeysa iyadoo xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa uu soo hagaagay kadib khilaafkii xooganaa ee ka dhashay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland.
Hase yeeshee, ilaa hadda dowladda Itoobiya si rasmi ah ugama aysan dhawaaqin inay wax ka beddeleyso tirada ama qaabka ciidamada ay ku leedahay Soomaaliya, halka dowladda federaalkuna ay sheegtay inaan wax qorshe bixitaan ah lala wadaagin.

