Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan Magaalada London lagu soo xiray Shirkii Soomaaliya halkaas uga furmay oo laga soo saaray qodobo aad muhiim ah iyo ballan qaadyo ay fidiyeen Beesha Caalamka.
Haddaba waxaa is waydiin mudan Maxay Farmaajo uga dhigan tahay natiijada kasoo baxday shirkii London oo lagu tilmaamay inuu ahaa mid aad uga duwan kuwii horey loogu qabtay halkaas.
Waxaa jiro waxyaabo badan oo uu Farmaajo ka faa’idi doono shirka London, haddii sida loo ballan qaaday loo fuliyo oo aysan sheekada ku ekeen wadahadal iyo ballaan qaad.
Halkaan hoose ka akhriso waxyaabaha ay dowladda Farmaajo ka faa’idi doonto natiijada kasoo baxday shirka London:
- Haddii la fuliyo qodobadii iyo heshiisyadii kasoo baxay shirka London, Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku guuleysan doonaan inuu gaaro hamigiisa ahaa inuu dhiso ciidamo Soomaaliyeed oo awood leh, inkastoo ay jiraan dul duleelo ku aadan dano gaar ah oo ay dowladaha qaar ka leeyihiin dhismaha Ciidamada Qaranka.
- Farmaajo wuxuu Soomaaliya u horseedi doonaa inay ka faa’ideysato ilaheeda dhaqaalaha sida beeraha, xoolaha iyo Kalluumeysiga, maadaama lagu heshiiyey inay Beesha Caalamka dowladda Soomaaliya ka caawiso sidii dhaqaalo looga dhallin lahaa dalkeena.
- Inay Soomaaliya awood u yeelato inay dowladaha adduunka iyo Bangiyada Caalamiga ah ka qaadato amaah lacageed, maadaama uu Farmaajo shirka London ku ballan qaaday inaysan Soomaaliya mar dambe u laaban doonin xaaladihii ay kasoo gudubtay, midaasna waxay keeni doontaa in Soomaaliya lagu aamino lacago deemo ah si iyadana wax badan looga faa’ido.
- Inay Beesha Caalamka u arkeen Farmaajo inuu yahay shaqsi ay ka go’an tahay inuu Soomaaliya horumar gaarsiiyo.
Iyo waxyaabo kale oo aan halkaan kusoo koobi karin, wuxuuna Farmaajo baal dahabi ah ka geli doonaa Taariikhda Soomaaliya, haddii ay beesha caalamka u fuliso ballan qaadyada iyo heshiisyada ay isla galeen.

