Maxay isla garteen Xaaf & saraakiisha Mareykanka?

Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa kulan magaalada Dhuusomareeb uu kula yeeshay saraakiil Ajaaniib ah oo ka socotay dalka Mareykanka waxay kaga hadleen arrimo dhowr.

Kulankaasi ayaa waxaa kasoo baxay seddex qodob oo madaxweynaha Galmudug ku tilmaamay inay muhiim u yihiin deegaaada Galmudug, sida uu sheegay Axmed Ducaale Geelle.

Wararka caasimadda Online heleyso ayaa sheegaya in qodobka ugu weyn ee shirkaasi la iskula meel dhigay inuu yahay sidii dhaqso loo furi lahaa saldhig Mareykanka uu doonayo inuu ka dhiso bartamaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Dhuusomareeb.

Qorshaha labaad ee la iska gartay ayaa ah in tababar loo siiyo ciidamo gaar ah oo looga maarmi doono joogitaanka ciidamada DANAB ee gobolada Mudug iyo Galgaduud, si mushaaraadka iyo tababarkaba ay u helaan ciidamadaasi.

Arrinta seddexaad ayaa lagu sheegay inay tahay kordhinta duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ka geystaan deegaanada Galmudug oo Al Shabaab ay joogaan, iyadoo laga tixraacayo duqeymihii ugu dambeeyay.

Lama shaacin waqtiga rasmi ahaan loo dhaqan gelinayo qodobada ay isla garteen madaxweyne Xaaf iyo saraakiisha Mareykanka ka socotay, laakiin dhismaha saldhiga Mareykanka ayaa muhiimada koowaad noqon doono.

Madaxweyne Xaaf oo shalay isugu yeeray saraakiisha ciidamada maamulka Galmudug aya ku wargeliyay qorshaha soo socdo iyo isbadalka amaan ee la doonayo in lagu sameeyo deegaanada Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com