Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa maanta maanta kulan gaar la qaatay wafdi sare oo ka socday dowladda Mareykanka, kaas oo uu hoggaaminayo Major General Claude K. Tudor Jr. oo ah Taliyaha Ciidamada hawl-gallada gaarka ah ee Maraykanka ee Afrika (Special Operations Commander of Africa- SOCAFRICA).
Wafdigan ayaa si heer sare loogu soo dhaweeyay qasriga madaxtooyada Somaliland, halkaas oo uu ka dhacay kulanka labada dhinac oo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda Somaliland iyo arrimaha gobolka.
Ugu horreyn Madaxweyne Cirro ayaa Major General Claude K. Tudor iyo wefdiga uu horkacayo uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen magaalada Hargeysa, isaga oo tilmaamay inay xoojineyso xiriirka labada dhinac.
Intaas kadib kulanka ayaa si qoto dheer loogu lafa-guray xoojinta iskaashiga amniga iyo danaha kale ee ay wadaagaan Somaliland iyo Maraykanka, gaar ahaan sugidda amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo guud ahaanba amniga iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa tilmaamay in Somaliland ay tahay meesha ugu muhiimsan marka la eego ilaalinta amniga Marin-biyoodka gobolka (Badda Cas, Bab Al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed), ayna leedahay in ka badan 850 KM oo xeeb ah oo ku teedsan mid ka mid ah marin-biyoodada ugu muhiimsan adduunka. Waxaa kale oo uu xusay in amniga xeebaha Somaliland uu yahay qayb ka mid ah amniga gobolka iyo kan caalamkaba.
Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xarriiqay in ay lagama maarmaan tahay in cid kasta oo danaynaysa iskaashiga amni ee xeebaha Somaliland ay si toos ah ula shaqayso kalana hadasho Somaliland oo kaliya. Madaxweynuhu waxa kale oo uu xaqiijiyey in Somaliland ay tahay nabad, isla markaana leh hay’ado dawli ah oo dhisan iyo hannaan siyaasadeed oo dimuqraadi ah.
Dhankiisa, Major General Claude K. Tudor Jr. ayaa sheegay in Maraykanka iyo Somaliland ay wadaagaan dano amni oo muhiim ah oo khuseeya berriga iyo baddaba, isaga oo xusay in xasilloonida Geeska Afrika iyo amniga marin-biyoodka caalamiga ahi ay yihiin mudnaan muhiim u ah labada dhinacba.
Waxa uu intaa ku daray in Maraykanku diyaar u yahay in uu Somaliland si dhow ugala shaqeeyo arrimaha istaraatiijiga ah ee labada dhinacba danta u ah, isla markaana la sii xoojiyo wada-shaqaynta, xog-is-dhaafsiga, isdhaafsiga khibradaha iyo iskaashiga amni ee mustaqbalka.
Ugu dambeyn Kulanka ayaa ku soo dhamaday is-afgarad iyo in labada dhinac ay sii xoojiyaan ka wada shaqaynta danaha muhiimka ah ee la wadaago.


