Sawirro: Maxay ka wadahadleen Jaamac iyo safiirka Türkiye?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya, Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta kulan mira dhal ah la qaatay safiirka Türkiye u fadhiya Soomaaliya Danjire Alper Aktaş, oo ay ka wada-hadleen arrimo muhiim ah.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa looga hadlay xoojinta iyo dardargelinta xiriirka qotada dheer, walaaltinimada iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Türkiye.

Jaamac ayaa sidoo kale uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Türkiye taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama Ankara ay taageerada ugu badan siiso Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu rajo wanaagsan ka muujiyey in xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal uu sii xoogeysan doono, si loo gaaro horumar iyo danaha ay wadaagaan labada shacab.

Dhankiisa Danjire Alper Aktaş ayaa muujiyey sida ay dowladdiisa uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado wada-shaqeynta labada dal.

Jaamac oo aad ugu dhow Türkiye ayaa maalmahan xoojiyay galaangalkiisa, waxaana shalay u diray hambalyo diirran oo ku aadan 30-ka Agoosto, oo ku astaysan Maalinta Guusha ee dalkaasi.

“Guushan taariikhiga ah waxay muunad u tahay halganka xorriyadda, madaxbannaanida iyo karaamada, waxayna dhiirrigelin u noqotay shucuub badan oo dunida ku nool,” ayuu yiri Guddoomiye Jaamac.

Waxaa kale oo uu sheegay in Soomaaliya ay si qoto dheer u qadarinayso taageerada joogtada ah ee Türkiye, gaar ahaan doorkii taariikhiga ahaa ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo iskaashiga xooggan ee labada dal.

- Advertisement -

Read more

Local News