Maxay ka wada hadleen QOOR QOOR iyo saraakiisha ciidanki ay wareejiyen ASW?

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xalay Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiishii Ciidamada Ahlu Sunna, ee Sabtidii uu wareejiyay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxii Xukuumadda Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay General Mascuud Maxamed Warsame, Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Kulankan ayaa looga hadlay kaalinta Ciidamadan ay ka qaadan karaan howsha sugida amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab iyo Arrimo kale.

Saraakiisha oo ka kooban dhamaan laamaha Ciidamada qalabka sida ayaa balan qaadey in ay diyaar u yihiin adeecida madaxda Galmudug iyo gudashada waajibaadka qaran ee laga sugayo.

Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay doorka Saraakiisha Ahlu Sunna kaga aadan arrimaha amniga iyo la dagaalanka Ururka Al Shabaab.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa dhankiisa Saraakiishan ku booriyay in ay sii wadaan kaalinta laga sugayo ee ah ka qayb ahaanta dowladnimada iyo ka miro dhalinta yoolka ah in si wadajir ah looga saaro deegaanada ku jira Al-Shabaab.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa lagu xusuustaa dagaaladii qaraaraa ee Shabaabka kula galeen qaybo ka mid ah Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan, iyagoona ka sifeeyay dhul ballaaran, oo ay horey uga arrimin jireen.