Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa si diirran u soo dhaweeyay sii-deynta Sacdiyo Macallin Cali (Sacdiyo Bajaaj) oo maanta dib u heshay xoriyadeeda.
Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in adkeysiga Sacdiyo uu shidaal cusub ku sii shubayo dhallinyarada Soomaaliyeed ee u taagan inay si xor ah u muujiyaan, dareenkooda iyo aragtidooda ku aaddan hab-nololeedkooda iyada oo aysan joojin karin awood sheegasho kasta oo lagu lagula kaco.
“Waxaan ku faraxsanahay in Sacdiya Macallin Cali ay maanta xorriyadeeda dib u heshay, kadib muddo afar bilood ah oo ay si dulmi ah ugu xirneed nidaamka muddo-xileedkiisu dhammaaday,” ayuu yiri Shariifka.
Waxa uu intaas kusii daray: “Waxaan sidoo kale oo u mahadcelinayaa dhallinyarada caasimadda, warbaahinta iyo cid kasta oo garab-istaag u muujisay Sacdiyo Macallin islamarkaana ka dhiidhisay ku takri-falka iyo cabburinta Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud uu ku hayo shacabka gaar ahaan dhallinyarada.”
Shariif ayaa sidoo kale waxa uu ku dhiirrigaliyay dhallinyarada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan inay muujiyaan isku duubni, adkeysi iyo midnimo.
Dhanka kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa isna soo dhaweeyay sii-deynta Sacdiyo, isagoo eedeymo u jeediyay hoggaanka tallada haya ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Adkaysiga Sacdiyo, iyo ku dhaca Garsoore Cabdifitaax waxay abuurayaan rajo iyo yididiilo. Waxay ina tusayaan in Soomaaliya ay weli leedahay dhalinyaro wanaagsan, mabda’ leh oo geesiyaal ah, kuwaas oo aan damiirkooda iyo mabaadi’dooda ku iibsan xil, xoolo ama dano gaar ah,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Waxa uu intaas kusii daray: “Waxaa jira kuwa la mid ah Garsoore Cabdifitaax oo ku jira garsoorka, shaqaalaha rayidka ah, diblomaasiyadda iyo ciidamada oo aaminsan in sharciga, caddaaladda iyo danta qaranku ay ka weyn yihiin qof iyo xukunkiis. Taasi waa dhiirrigelin, waa rajo, waana yididiilo.”
Go’aanka Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayuu sheegay inuu cashar weyn ugu jiro “kuwa sharaftooda iyo damiirkooda u loogay raalli-gelinta taliska Xasan Sheekh si ay xil, xoolo iyo awood u helaan,” sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyntiina, Warsame ayaa tilmaamay in awoodda, xilka iyo xooluhu yihiin ku-meel-gaar, balse taariikhdu ay xusuus dheertahay, isla markaana ay xusto kuwa adkaystay, geesinimada muujiyey, una istaagay xaqa markii uu waqtigu ugu adkaa.
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta xorriyadeeda dib u siisay Sacdiya Macallin Cali (Sacdiya Bajaaj) oo ay horay Maxkamadda Gobolka ugu soo xukuntay saddex sano oo xarig ah.
Qareennada difaacayay Sacdiya ayaa soo qaatay racfaan, kadibna waxaa guda gashay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo maanta burisay xukunkii hore, iyada oo sheegtay in aan loo cuskan asbaab sharci ah.
Garsooraha Maxkamadda ayaa ku dhawaaqay inay xor tahay Sacdiya Bajaaj oo in ka badan 100 maalmood ku xirneyd Xabsiga Dhexe ee Xamar.

