Maxay ogaayeen sirdoonka Somalia laba maalin ka hor qaraxii xarunta H/Wadaag?

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba maalin ka hor qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala eegtay xarunta degmada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho, sirdoonka saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa sirdoonka Soomaaliya ku war-geliyey in Al-Shabaab ay qosheynayaan weerar ay ka fuliyaan magaalada, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Digniintan ayaa sirdoonka Soomaaliya loogu sheegay in weerarka lala damacsan yahay meel ku dhow waddada Maka Al-Mukarama. Xarunta degmada Howl-Wadaag, sidaas ugama foga Maka Al-Mukarama

Xogta la siiyey sirdoonka Soomaaliya, waxaa sidoo kale loogu sheegay magacyada mintidiinta Al-Shabaab ee weerarka qorsheynayey iyo xitaa taargada baabuurta ay suurta-galka tahay in weerarka lagu fuliyo, sida aan xogta ku helnay.

Si kastaba, weli ma cadda in baabuurkii qaraxa lagu fuliyey shalay uu ka mid ahaa kuwa xogtooda la siiyey sirdoonka Soomaaliya, sababta oo ah sirdoonak Soomaaliya weli kama hadlayaan arrintan.

Ayada oo ay jirto, inay sirdoonka Soomaaliya haysteen xogtan, ayaa haddana Al-Shabaab ay u suurta gashay inay weerarkooda fuliyaan, mana ahan markii ugu horreysay ee Al-Shabaab ay weeraro lasii ogyahay gaysato.

Arrintan ayaa caddeyn u ah in Al-Shabaab xubno sare iyo tagaeero xooggan ay ku dhex leedahay hay’adaha amniga Soomaaliya, waxaana adkaan doonto in laga adkaado inta la dhex sifaynayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com