Maxay tahay HALISTA ka dhalan karta codka sirta ah ee laga duubay Madeira?

Muqdisho (Caasimada Online) – Samiiro Qeyd oo ah falanqeeye amni, ayaa iyada oo ka qayb-geleysay dood lagu qabtay Twitter Space waxa ay ka hadashay waxa ka dhalan kara codkii sirta ahaa ee Francisco Madeira, isla-markaana sababay in laga ceyriyo Soomaaliya.

Samiiro Qeyd oo mar xil sare oo dhanka ammaanka ah ka haysay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in codka sirta ah ee laga duubay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya uu saamayn balaaran ku yeelan karo shaqaalaha Soomaalida ee xerada Xalane.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in shaqaalahaas ay had iyo jeer la kulmaan dhibaatooyin xagga shaqo siinta, markastana lagu eedeeyo in ay bixiyaan siraha ka jira xerada Xalane oo ah meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, ayna dagn AMISOM & Safaarado.

Waxa kale oo ay intaasi raacisay in haatan codka sirta ah ee laga qabtay Francisco Madeira ay dhici karto in si gaar ah farta loogu godo shaqaalahaas, islamarkaana lagu waxyeeleeyo.

“Marka ay arrimahan oo kale dhacaan iyaga ayaa markiiba farta lagu godaa,” ayey tiri inta ay dooda socotay Samiiro Qeyd oo ah falanqeeye amni.

Codkan oo si qarsoodi ah looga duubay Madeira ayaa muujinaya waxa ra’iisul wasaaraha Rooble ku dhaliyey tallaabada uu qaaday, oo hadda u muuqata mid 100% sax ah.

Wakiilka Ururka Midowga Afrika waxa uu si anshaxa ka baxsan ugu gefayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ka sameeyey been abuur ku saabsan xiriirka kala dhaxeeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Xoogga General Odowaa Yuusuf Raage. 

Madeira wuxuu sidoo kale u gefayaa laba madaxweyne oo hore oo uusan magacaabin, balse la rumeysan yahay inuu ula jeedo Shariif Sheekh iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, codkan marka la dhageysto wuxuu fadeexad weyn ku yahay Madeira iyo guud ahaan Midowga Afrika. Wuxuu sidoo kale dhaawacayaa madaxweyne Farmaajo oo difaacay.