Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Soomaalida ee Ethiopia lagu aasay abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise Singub oo bilowgii todobaadkan ku geeriyooday magaalada Addis Ababa.
Abwaanka ayaa ku geeriyooday da’da 76 jir, waxa uu ka tagay 23 carruur ah iyo laba xaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey guddi u saartay in aas qaran loogu sameeyo magaalada Muqdisho, hase yeeshee arrintaas ma dhicin waxaana dad badan layaab ku noqotay in abwaanka lagu aaso magaalada Jigjiga.
Wasiirka warfaafinta dalxiiska iyo dhaqanka ee dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegaya in sababta abwaanka loogu aasay Jigjiga ay tahay codsi ka yimid qoyskiisa.
Waxa uu sheegay in dowladda ay isku dayday abwaanka aas qaran loogu sameeyo Muqdisho, hase yeeshee qoyskiisa ay aad ugu adkeysteen in abwaanka lagu aaso Jigjiga, lana aqbalay.
Hoos ka dhageyso codka Maareeye
Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

