Cabdirashiid Riyo-raac oo qaaday tallaabo uga sii dari karta xiisadda Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland, Mudane Cabdirashiid Maxamuud Wacays (Riyo-raac) oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sababaha keenay is casilaaddiisa oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.

Riyo-raac ayaa shaaciyey in sababta soo dadajisay is casilaadda uu ku dhowaaqay ay tahay khilaafka weli ka dhex jira guddiga doorashooyinka Somaliland, kaas oo uu tilmaamay in dhowr jeer xalkeeda lagu guul dareystay, isla-markaana saameeyey shaqada guddiga.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in cadaadis xooggan uu uga yimid dhanka Xukuumadda iyo sidoo kale xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID.

“Waxa sababay is casilaadda waxa ay ahayd khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo ka dhex jira Komishinka, mana jirto wax culeys ah ama cid culeys igu saartay in aan is casilo, sidaas awgeed aniga ayaa isku casilay,” ayuu yiri Cabdirashiid Maxamuud (Riyo-raac).

Is casilaadda guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland ayaa kusoo aadeysa xilli bilo yar ay ka harsan tahay waqtiga lagu balamay in la qabto doorashada guud ee Somaliland.

Tallaabada guddoomiyaha ayaa sidoo kale uga sii dareyso is mari-waaga haatan ka taagan doorashada Somaliland oo ay isku hayaan xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka.

Si kastaba xiisadda ugu weyn ayaa ka dhalatay muddada la qabanayo doorashada oo ku beegan 13-ka November sanadkaan 2022-ka, taas oo meel sare gaartay, waxaana sidoo kale fashil kusoo dhamaaday wada-hadalladii labada dhinac oo gebi ahaan lagu kala kacay.