Entebbe (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa dood xooggan kala kulmeysa go’aan ay taallo ugu dhistay Yonatan Netanyahu, oo ahaa walaalka Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, kaas oo lagu dilay howlgal ay ciidamada Israel sanadkii 1976 ka fuliyeen garoonka Entebbe ee dalkaas.
Taallada oo laga sameeyay naxaas ayaa horraantii bishan Agoosto laga daah-furay xaruntii hore ee garoonka Entebbe, halkaas oo Yonatan Netanyahu lagu dilay isaga oo hoggaaminayay ciidamadii Israel ee fuliyay howlgalka lagu soo furtay rakaab lagu haystay diyaarad la afduubtay.
Taliyaha ciidamada Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka ugu weyn Madaxweyne Yoweri Museveni, ayaa amray dhismaha taallada, isaga oo sheegay in loogu talagalay xuska 50 guurada howlgalka Entebbe iyo in lagu maamuuso geesinimadii Yonatan Netanyahu.
Taallada ayaa muujineysa Yonatan oo taagan, qori gacanta ku haysta, waxaana laga dhisay goobtii uu ka dhacay mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu muranka badnaa taariikhda xiriirka Uganda iyo Israel.
Daah-furka taallada ayaa yimid maalmo ka hor inta aanu baarlamaanka Uganda ansixin qorshe ciidamada dalkaas loogu dirayo Marinka Gaza, si ay qayb uga noqdaan Ciidamada Caalamiga ah ee Xasilinta ee loo qorsheeyay dhulka Falastiin.
Isku soo aadka labada arrimood ayaa dib u soo celiyay dood ku saabsan xiriirka sii xoogeysanaya ee Kampala iyo Israel, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo milatariga.
General Kainerugaba ayaa munaasabadda ka sheegay in taalladu aysan ahayn oo keliya xusuus loo sameeyay askari dhintay, balse ay astaan u tahay waxa uu ku tilmaamay geesinimo, badbaadinta dadka aan waxba galabsan iyo u hoggaansanaanta waajibaadka.
Hase yeeshee, dhismaha taallada ayaa sidoo kale dhalisay su’aalo ku saabsan sida dowladda Uganda maanta u fasireyso howlgal militari oo Israel ay gudaha dalkaas ka fulisay iyada oo aan oggolaansho ka haysan xukuumaddii xilligaas jirtay.
Maxaa ka dhacay Entebbe?
27-kii June 1976, xubno ka tirsanaa Jabhadda Xoreynta Falastiin ee PFLP iyo koox Jarmal ah ayaa afduubtay diyaarad ay lahayd Air France oo ka soo duushay Tel Aviv kuna sii jeeday Paris.
Diyaaradda oo siday 248 qof ayaa ugu dambeyn la geeyay garoonka Entebbe ee Uganda, halkaas oo dowladdii Madaxweyne Idi Amin ay u oggolaatay afduubayaasha inay ku haystaan rakaabka.
Inta badan rakaabkii aan Israa’iiliyiinta ahayn ayaa markii dambe la sii daayay, halka afduubayaashu ay sii haysteen Israa’iiliyiin iyo dad kale oo Yuhuud ah, iyaga oo dalbanayay in la sii daayo maxaabiis Falastiiniyiin ah.
Dowladda Israel ayaa dhinac wada-hadallo kula jirtay afduubayaasha, laakiin isla waqtigaas waxay diyaarineysay howlgal militari oo qarsoodi ah.
3-dii July, ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Israel ayaa kumannaan kiiloomitir u duulay Uganda, waxayna weerareen garoonka Entebbe.
Howlgalka waxaa lagu soo badbaadiyay in ka badan 100 qof oo la haystay, waxaana lagu dilay dhammaan afduubayaashii iyo tobannaan askari oo Uganda u dhashay.
Yonatan Netanyahu, oo hoggaaminayay ciidamadii weerarka qaaday, ayaa noqday askariga keliya ee Israel looga dilay howlgalka.
Israel gudaheeda, howlgalka oo markii hore loo bixiyay “Operation Thunderbolt” ayaa noqday mid ka mid ah howlgallada militari ee ugu caansan taariikhda dalkaas, waxaana markii dambe loogu magac daray “Operation Jonathan” si loogu maamuuso Yonatan Netanyahu.
Dhimashada Yonatan ayaa sidoo kale saameyn weyn ku yeelatay nolosha siyaasadeed ee walaalkiis Benjamin Netanyahu, oo sanadihii xigay caan ku noqday ololaha ka dhanka ah waxa Israel ugu yeerto argagixisada, kahor inta aanu siyaasadda si buuxda ugu biirin.
Cambaareyn-tii hore ee Uganda
Markii howlgalka dhacay, dowladda Uganda iyo Ururkii Midowga Afrika ee OAU waxay si adag u cambaareeyeen Israel, iyaga oo weerarka ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Uganda.
Xiriirka Israel iyo Uganda ayaa xilligaas marayay heer aad u hooseeya.
Israel waxay xiriir dhow la lahayd Uganda sanadihii ugu horreeyay ee madax-bannaanida dalkaas, waxayna gacan ka geysatay tababarka ciidamada iyo booliska, iyo dhismaha qaar ka mid ah kaabeyaasha muhiimka ah.
Idi Amin ayaa markii uu afgambiga kula wareegay awoodda sanadkii 1971 xiriir wanaagsan la lahaa Israel, balse xaaladda ayaa si degdeg ah isu beddeshay.
Sanadkii 1972, Amin ayaa jaray xiriirkii diblomaasiyadeed ee Israel, dalka ka saaray la-taliyayaashii militari iyo muwaadiniintii Israa’iiliyiinta ahaa, wuxuuna xoojiyay xiriirka uu la lahaa dalalka Carabta iyo ururrada Falastiiniyiinta.
Sidaas darteed, howlgalka Entebbe waxaa Uganda iyo dalal badan oo Afrikaan ah xilligaas looga arkayay weerar ay quwad shisheeye ku soo qaaday dal Afrikaan ah.
Taallada oo dhalisay caro xooggan
Konton sano kadib, dowladda Uganda ayaa hadda meel ka duwan ka istaagtay dhacdadaas.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada Uganda ayaa ku doodaya in taallo loo dhiso taliyihii ciidamada shisheeye ee gudaha Uganda ku dilay askar Ugandheys ah ay dhaawaceyso xusuusta qaranka iyo madax-bannaanida dalka.
Asuman Kiyingi, oo horay uga soo noqday wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda ee Uganda, ayaa ka mid ah dadka sida adag uga hor yimid taallada.
Waxa uu ku tilmaamay astaanteeda mid “walaac leh”, isaga oo ku baaqay in meesha laga saaro.
Kiyingi ayaa sheegay inay dhib ku tahay in dowladda Uganda ay sharaf u sameyso taliyihii ciidan shisheeye oo dalka soo galay oggolaansho la’aan, halka aan maamuus la mid ah loo sameyn askartii Uganda ee ku dhimatay iyaga oo difaacaya garoonka Entebbe.
General Kainerugaba ayaa isaguna isku dayay inuu kala saaro askartii Uganda ee halkaas ku dhimatay iyo dowladdii Idi Amin ee ay u adeegayeen.
Waxa uu sheegay in askarta Uganda ay u dagaallameen waxa ay u arkayeen inay tahay waajibaadkooda, balse xukuumaddii Idi Amin ay ahayd “kaligii-talisnimo arxan daran” oo aan matalin shacabka Uganda.
Xiriirka Kampala iyo Israel
Tan iyo markii Yoweri Museveni uu awoodda qabtay 1986, xiriirka Uganda iyo Israel ayaa si tartiib tartiib ah u soo hagaagay, gaar ahaan dhinacyada amniga, milatariga iyo ganacsiga.
Museveni ayaa dhowr jeer booqday Israel, halka Benjamin Netanyahu uu sanadkii 2016 booqday Entebbe, xilli la xusayay 40 guurada howlgalka.
Museveni ayaa markaas sheegay in Idi Amin uu ku qaldanaa inuu taageero haystayaasha, isla markaana Israel ay xaq u lahayd inay badbaadiso muwaadiniinteeda.
Hadalkaas wuxuu muujiyay sida ay dowladda Uganda ee maanta jirta uga fogaatay mowqifkii dowladdii Amin ee ku aaddanaa dhacdadii Entebbe.
Si kastaba, xiriirka dhow ee Israel iyo Uganda macnaheedu ma noqon in Kampala ay gebi ahaan taageerto siyaasadaha Israel ee ku wajahan Falastiiniyiinta.
Uganda waxay weli taageertaa dhismaha dowlad Falastiini ah, waxayna dhowr jeer Qaramada Midoobay ka taageertay qaraarro lagu dhaliilayo Israel.
Sanadkii 2024, Uganda waxay u codeysay qaraar Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku dalbanayay in Israel ay soo afjarto joogitaankeeda sharci-darrada ah ee dhulka Falastiin ee la haysto.
Kampala sidoo kale weli kama aysan jawaabin codsi uu Netanyahu horay ugu jeediyay Uganda oo ahaa inay safaaraddeeda Israel u wareejiso magaalada Qudus.
Haddana, dhismaha taallada Yonatan Netanyahu iyo qorshaha ciidamada Uganda loogu dirayo Gaza ayaa muujinaya in xiriirka amni ee Kampala iyo Israel uu galay marxalad cusub, xilli dagaalka Gaza iyo siyaasadda Israel ee dhulka Falastiin ay weli yihiin arrimo muran xooggan ka dhex dhaliya qaaradda Afrika.

