QATAR oo ciidamo cusub u tababareysa DF Soomaaliya iyo ujeedka laga leeyahay

Doha (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa caasimada dalka Qatar ee Doha, waxaana u socday oo halkaas ku qaadanayeen tababar ciidanimo oo lagu sheegay ‘aqoon kororsi’.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Saraakiishan ayaa waxay soo dhameysteen tobabarkii ay u joogeen Qatar, waxaana dhawaan dib loogu soo celinaya dalka, si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Safiirka Soomaaliya ee Qatar, Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiishaas uu usoo dhamaaday tobabarka ciidanimo.

Kulankaan oo ahaa is-xog wareysi iyo dar-dar gelinta soo laabashada Saraakiishaas ayaa waxa Safiirka ku wehlinayay u qeybsanaha arimaha Ciidanka Ee Safaaradda, Gen. Maxbuub Xasan Cabaade.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dowladda Qatar ay gacan weyn ka geysan doonto tobabarka ciidamada dalka, ayada oo dalkeeda kusoo tababareysa ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaasi oo la sheegayo inay qeyb ka noqon doonaan dagaalka lagula jiro Shabaabka.