Sawirro: Maxay yihiin ciidanka cusub ee tababarka loogu soo xiray Balli-doogle?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanlle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa maanta ciidamo cusub tababar ugu soo xiray xerada Balli-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo kamid noqonayo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidamada cusub ee tababarka loo soo xiray ayaa ah askar si gaar ah uga tirsan Ciidamada Kumaandooska Danab (Danab Special Forces) oo uu tababaro Mareykanka, waxaana munaasabadda goobjoog ahaa taliyaha Xerada Balli-doogle ee Mareykanka, AOB Commander BMA, Major Robert Zimmerman, iyo saraakiil kale.

Intii ay munaasabaddu socotay ayaa waxaa la soo bandhigay xirfadaha ay askartu barteen muddadii tababarka, iyadoo lagu muujiyay heerka ay gaareen dhanka tababarka gaarka ah, isu-duwidda howlgalada, iyo awoodda ay u leeyihiin fulinta waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ka hadlay munaasabadda ayaa u hambalyeeyay askarta tababarka dhammaysatay, maadaama ay muujiyeen dadaal iyo adkaysi. Waxaa kale oo uu ku boorriyay inay si daacadnimo leh ugu adeegaan dadka iyo dalka, ayna ka faa’iideystaan aqoonta iyo xirfadaha ay tababarka ku soo qaateen.

Sidoo kale wuxuu taliyuhu sheegay in ciidamada Danab ay laf-dhabar u yihiin howlgalada lagu xaqiijinayo amniga dalka, isla markaana laga filayo inay muujiyaan anshax, geesinimo, iyo wadashaqeyn joogto ah.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda shacabka iyo ku dhaqanka shuruucda ciidamada inta lagu jiro howlgalada.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu tayeynayo awoodda iyo xirfadaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Danab oo ka qeyb qaata howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, sida uu sheegay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Ugu dambeyn, munaasabadda oo ku soo idlaatay jawi deggan ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay qaar kamid ah askarta qalin-jebisay, dadaalladan ayaa qayb ka ah qorshaha qaran ee lagu dhisayo ciidan Soomaaliyeed oo xirfad iyo karti sare leh, isla markaana awood u leh difaaca qarannimada iyo shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News