Washington (Caasimada Online) – Maxkamad militari oo Mareykan ah ayaa Jimcihii go’aamisay in dacwad-oogayaashu aysan maxkamadda u adeegsan karin qiraallo uu Khaalid Sheikh Mohammed, oo lagu eedeeyay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarradii 11-kii September 2001, u sheegay hay’adda FBI-da.
Garsooraha kiiska, Gaashaanle Dhexe Michael Schrama, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ku guuldareysatay inay caddeyso in hadalladii uu Mohammed siiyay FBI-da sanadkii 2007 ay ahaayeen kuwo uu si xor ah oo aan cadaadis lahayn u bixiyay.
Go’aankan ayaa dharbaaxo weyn ku ah kiiska dacwad-oogayaasha, kuwaas oo qiraalladaas ku tilmaamay qaar ka mid ah caddeymaha ugu muhiimsan ee ay hayaan, xilli Khaalid uu wajahayo dacwad ciqaabteedu gaari karto dil.
Khaalid ayaa lagu eedeeyay inuu qorsheeyay afduubkii diyaaradaha ee 11-kii September 2001, kuwaas oo lagu weeraray xaruntii ganacsiga adduunka ee New York iyo Pentagon-ka, halka diyaarad kale ay ku dhacday Pennsylvania. Ku dhowaad 3,000 oo qof ayaa lagu dilay weerarradaas.
Go’aanka cusub ayaa yimid laba maalmood kaddib markii garsooraha uu 5-ta June 2028 u asteeyay inay bilaabato maxkamadeynta Khaalid iyo saddex eedeysane oo kale.
Hase yeeshee, go’aanka Jimcaha ayaa keeni kara dib-u-dhac kale haddii dacwad-oogayaasha ay racfaan ka qaataan.
Sarkaalka ugu sarreeya dacwad-oogayaasha, Rear Admiral Aaron C. Rugh, ayaa sheegay in kooxdiisu ay dib u eegi doonto go’aanka, kaddibna ay go’aan ka gaari doonto inay racfaan qaadato.
Garsooraha ayaa dacwad-oogayaasha siiyay shan maalmood oo ay arrintaas ku go’aansadaan, inkastoo ay codsan karaan shan maalmood oo dheeraad ah.
Saameynta jirdilka CIA-da
Muranka ugu weyn wuxuu ku saabsan yahay in jirdilkii Khaalid loogu geystay xabsiyada qarsoodiga ah ee CIA-da uu saameyn ku yeeshay qiraalladii dambe ee uu siiyay FBI-da.
Khaalid waxaa Pakistan lagu qabtay sanadkii 2003, waxaana muddo sanado ah lagu hayay xarumo qarsoodi ah oo CIA-du maamuleysay, halkaas oo lagu sameeyay habab su’aalo weydiin oo aad u daran.
Waxaa sanadkii 2006 loo wareejiyay xabsiga Mareykanka ee Guantánamo Bay, Cuba.
Dacwad-oogayaasha ayaa hore uga tanaasulay inay isticmaalaan hadalladii uu bixiyay intii uu ku jiray gacanta CIA-da, balse waxay ku doodayeen in qiraalladii uu FBI-da siiyay sanadkii 2007 ay ahaayeen kuwo cusub oo uu si ikhtiyaari ah u bixiyay.
Garsoore Schrama ayaa hadda diiday dooddaas.
Sida uu qoray New York Times, oo soo xiganaya qareenno arkay xukunka 45-ka bog ka kooban ee aan weli si rasmi ah loo shaacin, garsooraha ayaa sheegay in xaaladdii Khaalid ay weli ahayd sii socoshada saameyntii nafsiyeed iyo cadaadiskii xooggan ee CIA-du hore ugu sameysay.
Garsooraha ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha FBI-da aysan Khaalid si cad ugu sheegin inuu xaq u leeyahay inuu aamuso, inuu la tashado qareen iyo in hadalladiisa loo adeegsan karo maxkamad.
“Dacwad-oogayaashu waxay ku guuldareysteen inay caddeeyaan in hadallada Khaalid ee FBI-da ay ahaayeen kuwo uu si ikhtiyaari ah u bixiyay,” ayuu garsooruhu ku yiri gunaanadka xukunka, sida uu sheegay New York Times.
Kiis muddo dheer jiitamayay
Qareennada difaaca ayaa muddo dheer ku doodayay in jirdilkii CIA-da, go’doonkii iyo sannadihii uu Khaalid ku jiray xabsi keligiis ah ay dhaawaceen awooddiisa uu si xor ah go’aan ugu gaari lahaa markii FBI-du su’aalaha weydiineysay.
Waxay ku doodeen in hababkaas ay Khaalid ku abuureen xaalad uu u baratay inuu baarayaasha u sheego waxa ay doonayaan inay maqlaan.
Khaalid sidoo kale ma uusan helin fursad uu qareen kula tashado ilaa muddo dheer kaddib markii uu qiraallada bixiyay.
Go’aanka ayaa sii adkeynaya kiis horay ugu dhex jiray muran sharci oo socday muddo ka badan toban sano, gaar ahaan su’aasha ah in caddeymo ka dhashay jirdil loo adeegsan karo maxkamad.
Garsoore Schrama weli ma uusan go’aamin qiraallada laba eedeysane oo kale oo kiiska 9/11 ku jira, Walid bin Attash iyo Mustafa al-Hawsawi.
Garsoore hore ayaa sanadkii 2025 sidoo kale meesha ka saaray qiraalladii Ammar al-Baluchi, oo ay ilmo-adeer yihiin Khaalid, kaas oo lagu eedeeyay inuu qaar ka mid ah 19-kii afduubayaasha diyaaradaha ka caawiyay dhaqaale iyo safarro.
Kiiska weerarradii 11-ka September ayaa ku jiray marxaladaha ka horreeya maxkamadeynta tan iyo markii eedeysanayaasha mar kale maxkamad la soo taagay sanadkii 2012.
Dib-u-dhacyada badan waxaa qeyb weyn ka ahaa muranka ku saabsan jirdilkii CIA-da, caddeymaha maxkamadda la hor keeni karo iyo xaaladda caafimaad ee qaar ka mid ah eedeysanayaasha.
Go’aanka Jimcaha ayaa yimid wax ka yar laba toddobaad ka hor 25-guurada weerarradii 11-ka September, iyadoo qaar ka mid ah qoysaska dhibbanayaasha ay muddo dheer ka walaacsanaayeen in kiisku uusan weligiis gaarin go’aan kama dambeys ah.

