Maxkamad Mareykanka ku taalla oo xukun ku ridday Korneyl Yuusuf Cabdi Tuke

Washington (Caasimada Online) – Garsoore ka tirsan Maxkamad ku taalla magaalladda Aleskandariya ee Gobalka Virginia ee dalkaasi waxay xukun ku riday Col Yuusuf Cabdi Cali “Tuke”, kaasi oo lagu eedeeyey inuu jir-dilay Dhibane Farxaan Maxamuud Taani Warfaa sannadkii 1987-dii.

Korneyl Tuke oo tobaneeyo sanno ku noolaa Waqooyiga Virginia ayaa lagu xukumay inuu Dhibanaha siiyo lacag magdhow ah oo dhan 400,000 oo Dollar iyo Ganaax Ciqaabeed dhan 100,000 oo Dollar.

Dhibane Farxaan Mxaamuud Taani Warfaa waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in ciiddan uu watay Kolonel Yuusuf Tuke ay jir-dileen isagoo 17-jir ah, kadib, markii isaga iyo dhallinyaro kale lagu soo eedeeyey inay dhaceen Booyadda Biyaha oo ay Ciiddanku lahaayeen.

Dhegeysiga Dacwadaasi oo socotay dhowr maalmood, waxaa Kolonel Yuusuf Tuke lagu waayey eedeyn lagu sheegay inuu shaqsi ahaan jir-dilay Dhibanaha soo dacweeyey.

Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Tuke” waxa uu beeniyey Eedeymaha Farxaan Warfaa, isagoo sheegay inuusan haba yaraatee geysanin wax tacadiyo ah muddadii uu Ciiddanka ahaa.

Dhinaca kale, Qareenka difaacayey Kolonel Tuke oo lagu magacaabo Joseph Peter Drennan waxa uu sheegay inay Rafcaan ka qaadan doonaan Xukunkaasi, isagoo dacwadaasi ku tilmaamay mid ku salaysan Cadiifad Qabyaaladeed.

Si kastaba ha ahaatee, Kiiska loo haystay Kolonel Tuke ayaa noqonaya dacwadii 3-aad ee ay Maxkamadaha Maraykanka ku qaadaan dadka lagu soo oogo inay Tacadiyo geysteen xilligii Dowladdii Kacaanka ka talinaysay Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska USA
Caasimada@live.com