Maxkamada Sare oo war culus kasoo saartay dacwadii xisbiga Himilo Qaran uu ka gudbiyey DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf oo la hadlay lanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa  ka hadlay dacwaddii Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheikh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu ka gudbiyay madaxda dowladda federaalka.

Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan maalmaha soo socda ay billaabi doonaan dhageysiga dacwadda ka yimid Xisbiga Himilo Qaran ee ku aadan xayiraadii garoonka Aadan Cadde loogu geystay Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed.

Baashe Yuusuf guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay in haatan ay maxkamaddu awood u leedahay in ay qabato kiiskaan madax banaani buuxdana ay heysato, sidoo kale waxa uu tilmaamay in sida sharcigaaba dhinicii kale oo ay ku socotay dacwadu inay la wadaageen ayna ka soo jawaabeen, maxkamaduna ay qaadi doonto dacwadaas.

Xisbiga Himilo Qaran oo ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka hogaamiyana uu ka yahay madaxweynihii dowladdii ku meel gaarka Shariif Sheikh Axmed ayaa dacwad ka dhan ah xayiraddii safar uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo bishii September u gudbiyay Maxkamadda Sare ee dalka.

Halkaan ka Dhageyso:

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com