Magacyada 11 qof oo ku lug lahaa weerarkii Xabsiga Dhexe oo maanta la xukumay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridday rag loo heysto weerarkii lagu qaaday xabsiga dhexe ee Xamar, kaas oo dhacay 10-kii bishii August ee 2020-ka.

Maxkamadda ayaa waxaa la horgeeyey illaa 11 eedeysane oo isugu jiro ciidamada Asluubta, xunkusanayaal iyo gar-sugayaal lala xariiryey weerarkaasi oo loo adeegsaday bambooyinka nooca gacanta laga tuuro iyo bistoolada ay heleen qaar ka mid ah maxaabiista ku jirta gudaha xabsigaasi ee ku eedeysnaa falalka argagixisanimo.

Hey’adaha Baarista ciidamada amniga iyo guddi ay u saartay baaridda dhacdadaasi xukummadda ayaa ugu dambeyn waxa ku wareejiyeen gungaarka dhacdada xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida oo awood u leh dhaqaajinta gal-dacwadeedkaas.

Mubaarak Ibraahiim Iidle oo horay ugu xukunaa 10 sano oo xabsi ciidan ah ayaa ahaa gacanta hore weerarka, waxa uuna nolosha u aqoonsaday Maxamed Yusuf Toxow iyo Muqtaar Cabdullaahi Muuse, sidaas ayuuna kaga baxsaday dhabarka dambe ee xabsiga.

Sidoo kale Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) oo isagu ka mid ah ahaa dadkii loo xiray lacagaha Online ka ah ee ay Soomaali badan ka gaartay khasaaraha waxa uu ahaa qofka sida gaarka ah maxaabiista kaga iibiya Qudaarta, laakiin mid ka mid ah raggii qorsheeyay weerarka uu soo dhex marsiistay hubkiisa.

Kadib heerar kala duwan oo maxkamadeed iyo baaritaanno muddo dheer qaatay maanta ayey Maxamadda go’aan ka soo saartay, waxaana lagu kala xukumay eedeysanayaasha:-

1-Mubaarak Ibraahiim Iidle waxaa lagu xukumay Dil-toogasha ah isaga oo Maqan

2-Cabdullaahi Macalim Xuseen, 3-Maxamed Daahir Maxamed 4-cabdi Jire Yusuf waxaa lagu wada xukumay Min 5-sano oo xabsi Ciidan ah iyo ka saaridda Ciidamada Asluubta  oo ay ka wada tirsanaayeen.

5-Cali Barre Cali Maxamed oo ka tirsan Asluubta ayaa isna lagu xukumay 3-sano oo xabsi Ciidan ah.

6- Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) ayaa lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah.

7-Maxamed Nuur Maadeey 8-Maxamed Maxamuud Mataan 9-Cumar Xasan Abtidoon iyo 10-Isaaq Geedi Ibraahim oo iyana kawada tirsanaa Asluubta ayaa lagu xukumay min 6-bil oo xabsi ciidan ah, halka 11- Cabdi Axmed Maxamuud oo Asluuta ahaa ay Maxkamaddu dambi ku weyday, sida uu nala wadaagay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dhanka kale xukunsanayaasha ayaa haatan haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

Sagaal ka mid eedeysanayaasha ayaa ahaa ciidamada Asluubta ee shaqada lahaa si guud iyo si gaar ah maalintaas ay mashaqada ka dhacday Xabsiga Dhexe, waxaana loo xukumay in ay ka gaabiyeen howshooda hadba heerka xukunka ay u arkeen Garsoorayaasha ay saareen, halka Maxamuud Forex oo isaga lahaa Agab wax lagu qariyay loo xukumay in uu adeegay Shabaabka qorsheeyay weerarka ee baxsadka ah Mubaarik iyo raggii kala qayb galay oo intii howlgalka socday  y toogteen ciidamada amniga.