Maxkamadda Ciidamada Puntland oo Shabaab iyo DAACISH xukun ku riday

Garoowe (Caasimadda Online) – Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Maamulka Puntland ee Shanta Gobol ayaa Maanta xukunno kala duwan ku ridday rag lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Xarakada Al-shabab iyo Daacish.

Saddex ka mid ah Ragga la soo eedeeyay ayey Maxkamadda ku xukuntay dil toogasho ah,kuwaas oo mid Daacish ka mid ahaansho ku eedeeysanyahay halka labada kalena lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa saddex Nin oo kale ku xukuntay Xabsi daa’in,waxaana ay ku eedeysanyihiin ka mid ahaanshaha Al-shabab iyo Daacish.

Maxkamadda ayaa aqbashay in baaritaan xaafimaad lagu sameeyo mid ka mid ah dadka eedeysanayaasha ah,waxaana sidaas codsaday qareenkiisa.

Magacyada dilka lagu xukumay.

Xassan Laamow Aadan ka tirsan  Daacish, Yaasiin Cismaan Cabdi Saalax iyo Xassan Maxamed Cali Ibraahim, ka tirsan Al- shabaab

Magacyada xabsi daa’inka lagu xukumay.

Xuseen Jaaylaani, Cabdi Cumar iyo Bishaar ka tirsan Al-shabaab

Magaca caafimaadka loo diray.

Xasan Maxamed.

Laba xidigle Maxamed Jaamac, oo ka tirsan Ciidanka Puntland dilna ku eedeysan ayey Maxkmaadda sidoo kale ku xukuntay shan Sano oo Xabsi ah iyo bixinta Magta qofkii uu dilay.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com