Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, ayaa warqad uu si toos ah ugu diray Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz dhalisay hadal-heyn cusub, iyadoo diblomaasiyiin Mareykan iyo Carab ah ay tallaabadan u arkaan isku day uu hoggaamiyaha Imaaraadku ku hareer-marayo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman.
Warbaahinta rasmiga ah ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa Isniintii sheegtay in Sheekh Maxamed bin Zayed uu warqad gacanta lagu qoray u diray Boqor Salman oo 90 jir ah.
Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in warqaddu la xiriirtay xiriirka labada dal, halka wakaaladda rasmiga ah ee Imaaraadka ee WAM ay sheegtay inay ahayd casuumaad shaqsiyeed oo Boqor Salman loogu fidiyay inuu Abu Dhabi uga qeybgalo shir Qaramada Midoobay taageerto oo ku saabsan biyaha, kaas oo dhacaya bisha December.
Hase yeeshee, warbaahinta Middle East Eye ayaa sheegtay in diblomaasiyiin iyo dadka la socda siyaasadda Khaliijka ay warqadda u arkaan astaan muujinaysa heerka xasaasiga ah ee uu marayo xiriirka u dhexeeya Maxamed bin Salman iyo Maxamed bin Zayed.
“Imaaraadku waxay dareemeen inaysan haysan waddo kale oo aan ahayn inay si toos ah madaxa ugu tagaan,” ayuu sarkaal reer Galbeed ah oo arrintan xog-ogaal u ah u sheegay Middle East Eye.
Sarkaalka ayaa intaas ku daray in Maxamed bin Salman “uusan ku farxi doonin” habkan loo maray Boqor Salman.
Boqor Salman ayaa xilka boqortooyada la wareegay sanadkii 2015, kaddib geeridii walaalkiis Boqor Abdullah, balse sannadihii dambe si aad ah ayuu uga yaraaday safarrada iyo hawlaha diblomaasiyadeed ee dibadda.
Safarkiisii ugu dambeeyay ee si weyn loo ogyahay wuxuu ahaa Tunisia sanadkii 2019, markaas oo uu ka qeybgalay shir madaxeedka Jaamacadda Carabta.
Dhaxal-sugaha Maxamed bin Salman ayaa dhanka kale noqday hoggaamiyaha sida dhabta ah u maamula Sacuudiga, isaga oo gacanta ku haya inta badan hay’adaha iyo siyaasadaha muhiimka ah ee boqortooyada, isla markaana dalka ku matala kulamada heerka sare.
Xiriir sii xumaanaya
Warqadda Imaaraadka ayaa timid xilli xiriirka Riyadh iyo Abu Dhabi, oo mar ahaa laba xulufo oo aad isugu dhow, uu muddooyinkii dambe galay marxalad ay ka muuqdaan khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo istiraatiiji ah.
Middle East Eye ayaa sheegtay in khilaafka labada dal uu si weyn u soo shaac baxay bilowgii sanadkan, markii Sacuudigu duqeeyay xoogag gooni-u-goosad ah oo Yemen ka dagaallama oo taageero ka hela Imaaraadka.
Labada dal ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay taageerayaan dhinacyada isaga soo horjeeda dagaalka sokeeye ee Sudan, arrintaas oo sii ballaarisay kala fogaanshahooda siyaasadeed.
Mareykanka ayaa isku dayay inuu dhex-dhexaadiyo labada dhinac, sida ay sheegtay Middle East Eye, iyadoo sarkaal sare oo Washington ka socda la filayay inuu toddobaadkan booqdo Imaaraadka, balse safarkaasi uusan qabsoomin.
Steve Witkoff, ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa sidoo kale la filayay inuu Imaaraadka tago horaantii bishan, laakiin safarkiisa ayaa la baajiyay.
Isbahaysiyo cusub
Dagaalka Mareykanka iyo Israel ay la galeen Iran ayaa muddo kooban isu soo dhoweeyay Sacuudiga iyo Imaaraadka, iyadoo labada dal ee Khaliijka ay ku biireen Mareykanka weerarrada Iran, sida lagu sheegay warbixinta.
Si kastaba, Riyadh ayaa markii dambe u dhaqaaqday dhanka dadaallada dhex-dhexaadinta oo ay la waddo Pakistan, arrintaas oo la sheegay in Imaaraadku isku dayay inuu hor istaago.
Horaantii bishan, Sacuudiga, Pakistan iyo Turkey ayaa ku dhawaaqay heshiis cusub oo difaac wadajir ah oo loo bixiyay “Mecca Pact”.
Heshiiskaas ayaa loo arkaa inuu dhisayo hannaan amni oo cusub xilli Imaaraadka iyo Israel ay sii xoojinayaan iskaashigooda.
Inkasta oo Sacuudiga iyo xulafadiisu sheegeen in heshiisku uusan cidna ka dhan ahayn isla markaana dalal kale ay ku biiri karaan, haddana falanqeeyayaal Imaaraati ah ayaa si cad u dhaliilay.
“Mid ka mid ah shuruudaha guusha isbahaysi kasta waa in la qeexo cadowga la wadaago. Haddaba waa kuma cadowga dalalka isbahaysigan?” ayuu qoray Abdulkhaleq Abdulla, oo ah falanqeeye siyaasadeed isla markaana hore lataliye ugu ahaa Maxamed bin Zayed.
Kanaalka Tahnoon
Warqadda uu Maxamed bin Zayed u diray Boqor Salman ayaa sidoo kale muhiimad gaar ah yeelatay maadaama ay u muuqato inuu Imaaraadku dhinac maray waddo kale oo wadahadal oo uu hore u soo jeediyay Maxamed bin Salman.
Middle East Eye ayaa sanadkan horraantiisii sheegtay in Dhaxal-sugaha Sacuudigu warqad u diray la-taliyaha amniga qaranka Imaaraadka, Sheekh Tahnoon bin Zayed, isaga oo ku faahfaahiyay walaaca Riyadh ay ka qabto dhaq-dhaqaaqyada Imaaraadka ee Yemen iyo Sudan.
Warqaddaas ayaa soo jeedisay in labada dhinac ay arrimaha khilaafka ah uga wada hadlaan kanaal rasmi ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Sacuudiga Khalid bin Salman, oo ay walaalo yihiin dhaxal-sugaha.
Tahnoon bin Zayed, oo ka mid ah dadka ugu awoodda badan Imaaraadka, ayaa muddo dheer door muhiim ah ka ciyaaray hawlaha diblomaasiyadeed iyo kuwa amniga ee Abu Dhabi.
Waxa uu hormuud ka ahaa dadaalladii dib loogu soo celiyay xiriirka Qatar kaddib khilaafkii Khaliijka ee billowday 2017.
Warbixin ay Reuters hore u baahisay ayaa sidoo kale sheegtay in Tahnoon uu martigeliyay xubno ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran, iyadoo kulamadaasi diiradda lagu saarayay sidii loo joojin lahaa weerarrada ka dhanka ah Imaaraadka.
Tallaabada cusub ee Maxamed bin Zayed ayaa sidaas darteed sii xoojisay su’aalaha ku saabsan halka uu ku dambeynayo xiriirka labada quwadood ee ugu awoodda badan Khaliijka, kuwaas oo muddo dheer iska kaashanayay arrimaha gobolka balse hadda ay sii kala fogeynayaan Yemen, Sudan iyo jihada cusub ee isbahaysiyada amni ee Bariga Dhexe.

