Daawo Video: Madaxweyne Xasan oo si xikmad leh ula hadlay Golaha QM

New York (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qudbadii ugu horeeyay ka jeediyay xarunta loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York.

Madaxweynaha ayaa golaha ammaanka QM ka codsaday in ay taageeraan horumarka nabadda iyo siyaasada ee dalka Soomaaliya.

Qubadiisa wuxuu uga hadlay, Ammaanka, weerarkii Westgate, taageerada dowladdiisa u baahan tahay, hirgalinta nidaamka fedaraalka iyo guulaha ay ku tallaabsaday muddada sannadka ah ay jirtay.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay tahay koox argagixiso caalami ah kuwaasoo khatar ku ah gobalka iyo caalamka.

Madaxweynaha ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday dhismaha xarunta ganacsiga Wastgate ee Nairobi, wuxuuna sheegay weerarkaas in uu muujinaayo haliska kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh urur weynaha Al-Qaacida.

Wuxuu ku baaqay in Al-Shabaab lagu qaado dagaal dhinacyo badan isla markaana ay taxadar

Xasan Sheekh ayaa golaha ammaanka QM u sheegay in dowladiisa ay qabatay wax yaabo badan oo ay ku jirto dhaqangalinta nidaamka fedaraalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay dowladiisa in ay heshiis lagashay maamulka Jubba, wuxuu kaloo sheegay in ay wax ka qabteen  maareenta maaliyadda.

Wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay in Soomaaliya ay ka baxday xilligii kumeel gaarka isla markaana ay yeelatay dowlad rasmi ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay guulaha laga gaaro wadahadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in  caqabadaha hortaagan dowladiisa ay tahay hirgalinta nidaamka fedaraalka, iyo sidii Soomaaliya ay uga dhici lahayd doorasho rasmi sannadka marka uu yahay 2016-ka.

Halkan ka daawo khudbadda

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

Caasimada@live.com