Meydadka dad Ethiopian ah oo lagu dhex arkay dalka Jabuuti + Tiradooda (Aqri)

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in halkaa lagu dilay dhalinyaro kasoo jeeda dalka Ethiopian oo deegaan ku ahaa dalkaasi.

Ethiopian-ka la dilay ee Meydkooda lagu arkay goobo kala duwan ayaa la sheegay in tirro ahaan ay dhanyihiin 6 qof, kuwaasi oo la tilmaamay in loogu aar guday dhalinyaro Jabuutiyan ah oo dhawaan lagu dilay Ethiopia.

Wargeyska Ethiopia Observer ee kasoo baxa dalka Ethiopia ayaa qoray in lix qof oo kasoo jeeda Ethiopia lagu dilay dalka Jabuuti.

Waxa uu sheegay in dadkaasi loo dilay qaabab silac ah, hase yeeshee markii danbe magaalada lasoo dhigay Meydadkooda.

Dadka Ethiopian-ka ah ee ku nool Jabuuti oo uu soo xiganaayay Wargeyska ayaa sheegay in Lixda  xubnood oo iyaga ka mid ahaa la dilay, halka kuwo kalena la dhaawacay.

Waxa ay sheegen in ay ku suganyihiin nolol cabsi leh isla markaana dowladda Jabuuti ay kaliya cambaareysay waxa dhacay, iyadoo aan qaadin waxtalaabo ah.

Qoraalka Wargeyska waxaa lagu muujiyay in dilalka dadka Ethiopian-ka ah ee ku nool Jabuuti ay inta badan dhacaan xiliyada Habeenkii isla markaana aysan Booliska qaadin waxtalaabo ah.

Wargeysku waxa uu intaas raaciyay in weerarada ka dhanka ah dadka Ethiopian-ka ay yihiin kuwo aargoosi aan loo meel dayin.

Dad shacaba oo kasoo jeeda dalka Jabuuti ayaa todobaadkii hore lagu dilay magaalada Diridhaba,waxaana xigay in Dowladda Jabuuti ay dadkeeda diyaarado kula baxdo.

Ethiopian-ka ku nool magaalada Jabuuti iyo Gobolada dalkaasi ayaa intooda badan kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada oo hadda uu dagaal wajiyo badan kala dhexeeyo Soomaalida Ethiopia, waxa ayna tani cabsi lixaad leh ku abuurtay Oromada.

Dhinaca kale, Dowlada Jabuuti ayaan wali ka jawaab celin qoraalka Wargeyska ee lagu sheegay in gudaha Jabuuti lagu laayay dad kasoo jeeda dalka Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
Caasimada@live.com