Xog: Meydka sarkaal ka tirsanaa Hay’ad caan ah oo lagu arkay…

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in deegaanka lagu magacaabo Luuqjeelow oo ka tirsan Gobolka Hiiraan goordhow lagu arkay Meydka ruux dhalinyaro ah oo si silac ah loo dilay.

Ninkaani la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa Sargaal ka howlgali jiray Hay’ad NGO ah oo ka howlgasha Magaalada Baledweyne.

Dadka deegaanka Luuqjeelow ayaa Saakay kusoo toosay Meydka Sargaalkaasi oo wadada lagu soo xooray, waxaana la sheegay in Sargaalka meesha looga yeeran oo aan markii hore ku sugneyn.

Qoyska Sargaalkaasi ka howlgali jiray Hay’adda ayaa warbaahinta la wadaagay geerida wiilkooda waxa ayna sheegen in qadar yar un ka hor goortii uu guriga ka baxay ay soo waceen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab kuna wargaliyeen in wiilkooda loo heysto dacwad sidaa aawgeedna uu gacantooda ku jiro.

Marxuumka sida foosha xun loo dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cali Cabdulle oo aanan la garaneyn, sababta ka dambeysa dilka loo geystay.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-shabaab ay Sargaalkaasi dhowr jeer ku amreen inuu bixiyo dhaqaale ay sheegen in dalka ay ku xoreynayaan, hayeeshee uu diiday in dhaqaalahaasi uu bixiyo.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Hiiraan oo ku aadan dilka Sargaalkaasi, waxaana lasoo warinayaa in maleeshiyaadka Al-shabaab horay u wargaliyeen eheladiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com