Murashax la la’yahay kahor doorashada Aqalka Sare ee berri ka dhaceysa Jubaland

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee SEIT Jubbaland ayaa codsi la xariira mid ka mid ah kuraasta berri la dooranayo u gudbiyay madaxwaynaha maamulkaas Axmed Madoobe.

Guddiga ayaa Madaxweynaha Jubbaland ka dalbaday in uu soo gudbiyo badalka mid kamid ah xubnihii kujiray liiska musharaxiintii uu soo gudbiyey, kaas oo sabab la’aan uga baaqday maanta in uu is-diiwaan galiyo, si loo siiyo shahaadada musharraxnimada.

“Madaxweyne waxaan ku ogeysiineynaa in Cali Maxamed Cali oo liiska musharaxiinta kula qoraa Musharax Xasan Daahir Yarow uu ka baaqday is diiwaan gelintii maanta ka dhacday xafiiska guddiga SEIT ee Jubbaland,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga doorashada Jubbaland.

Sidoo kale guddiga ayaa Madaxweynaha ka codsaday inuu deg deg u soo gudbiyo musharax kale oo Xasan Daahir kula tartama kursigaas. “Madaxweyne waxaan si xushmad leh kuugu soo jeedineynaa inaad musharaxaas ku soo bedesho qof kale waqtiga ugu haboon,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Berri oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo lagu qabto doorashada afarta kursi ee ka dhiman xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doorto Jubbaland.

Afar Senator ayaa horay loogu doortay Jubbaland, hadii afarta kale berri la doortana dhameystirka doorashada golaha Aqalka Sare waxaa dhimanaaneysa laba Senator, kuwaas oo laga soo doorto deegaanada Galmudug.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka soo jawaabay codsiga guddiga, isagoo soo gudbiyay magaca musharax cusub, kaas oo lagu magacaabo Cabdi Xuseen Cali, waxuuna kursiga kula tartami doonaa Xasan Daahir Yarow.

Warqadda codsiga guddiga

Warqadda jwaabta Madaxweynaha